Hangoolnews.com
Nin Wayn Baan Ahoo Warami Maayo
August 9, 2017 - Written by Hangool

waxaas oo dhan oo ay ahayd shaqadii loo igmaday inuu u guntado Goluhu sidii uu wax uga qaban lahaa ayaa waxa uu ku guul daraystay inuu isagoo

 

Waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaan Akhristayaalka ama Daawdayaalka Hadhwanaagnews,

 

Bacda salaam waxaa aydun la socotaan dhibaatada ka taagan doorashadii ka dhacday Golaha Wakiilada ee Somaliland 6 bisha sida aad ka wada daawateen mareegaha warbaahineed waxaa la sheegay inay kolaha subaxaa ka soo xaadireen 77 xubnood oo codbixiyaal ah,hadaba arintu si kastaba haw dhacdee su,aasha is waydiinta lihi waxa weeye dadka reer Somaaliland ma waxay ka sugayaan inuu waxa ka qabto dhibaatooyinka ragaadiyey dhinac walba sida Sixir bararka,Tahriibka ,boobka hantida Qaranka ,afooyinka abaaraha ee soo noqnoqday ,shaqo la,aanta curyaamisay da, yartii Somaliland ,Musuqmaasuqa ,waxaas oo dhan oo ay ahayd shaqadii loo igmaday inuu u guntado Goluhu sidii uu wax uga

 

 

 

 

qaban lahaa ayaa waxa uu ku guul daraystay inuu isagoo 26 sano jirsaday uu awood u waayo 77 cod inuu kala saaro oo ay si qeexan oo cad u cadaato cida ku guulaysatay jagada hogaaminta Golaha .Wax garad soomaaliyeed ayaa laga hayey ( Nin wayn baan ahoo warami maayo waraabaa adhi raacay war noqon maysee waxaan arkay waaba la ogaan) bal aynu gaadhno Nov iyo doorashadana.

 

 

 

Wabilaahi tawfiiq

 

m_gubadle@hotmail.com

COMMENTS
Latest News