Hangoolnews.com
Fernando oo u wareegay kooxda Galatasaray
August 5, 2017 - Written by Hangool

Laacibka khadka dhexe ka dheela ee Brazil u dhashay, Fernando, ayaa ka tegay kooxda Manchester City, asagoo ku biiray kooxda Turkiga ka dhisan ee Galatasaray.

Lama sheegin lacagta ay Galatasaray ku iibsatay laacibkan.

30 jirkan ayaa sanadkii 2014 waxa uu City kaga soo biiray kooxda Porto, asagoo ay kusoo iibsatay lacag dhan 12 milyan oo Pound.

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxa uu Man City u dheelay 27 ciyaarood, balse hal kulan oo keliya ayaa lagu billaabay, halka inta kalena uu bedel kusoo galayay.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku tala jira inuu lasoo wareego ciyaartooy khadka dhexe ah, waxaana ilaa haatan uu xagaagan ciyaartooy cusub kusoo iibsaday 200 oo milyan oo pound, 120 milyan oo lacagtaasi ka mid ahna waxay uga baxday saddex daafac.

COMMENTS
Latest News