Hangoolnews.com
Xildhibaanada Barlamaanka Puntland oo kalsoonida kala Noqday Xukuumadda Madaxweyne Gaas
July 18, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Balamaanka Puntland oo maanta kalfadhi loo  dhan-yahay ku yeeshay magaalada Garowe ayaa kalsoonidii kala laabtay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,taasi oo shaqaynaysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo furay kalfadhiga ayaa goobto ka akhriyay qodobo dhowr ah oo mudnayaashu ay u cuskadeen kalsooni kala noqoshada golaha wasiirada Puntland.

Waxaa qodobada madasha lagu soo bandhigay kamid ahaa in xukuumadda madaxweynaha ay si rasmi ah ugu fashilantay arimo ay kamid-yihin amniga ,dhaqaalaha iyo musuq-maasuq la sheegay in uu hareeyay mashaariicda ka socda deegaanada Puntland.

57 Mudane  oo ka tirsan 66-da xildhibaan ee Puntland ayaa so xaadiray kalfadhiga oo la furay xilli hore oo saaka aroortii ah ,waxaana in xukuumadda in la rido u codeeyay 47 Mudane halka 9 xildhibaan ay ka biyo diideen go’aanka mudanayaasha.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay in uu isku dayay baajinta mooshinkan oo ahaa mid todobaadkan guuxiisa laga hadal hayay Puntland sida ay sheegeen mudanayaal ka tirsan dowladda oo la hadlay HOL.

Waxaa madaxweynuhu uu qabaa in mooshinkan aan loo marin hab sharci ah ,waxaana soo baxaya warar sheegaya in mudanaayaashu sidoo kale ay mooshin la damac-san-yihiin madaxweynaha Puntland.

Ugu danbayn, waxaa mooshinkan isaga aamusay hal mudane oo ka tirsan barlamaanka Puntland ,xilli eedaha loo soo jeediyay maamulka ay ku jiraan sicir barar iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda oo aan si joogta ah loo bixin sida laga xusay goobta.

COMMENTS
Latest News