Hangoolnews.com
Musharaxa Xisbiga Waddani Oo Laf Dhuun Gashay Ay Ku Noqotay Shuruud Ay Ku Xidheen Beel-Waynta Arab Ee Uu Sheegay In Uu Xisbiga Ku Wareejinayo
July 18, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Musharaxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka warwareegaya in uu u qiil bixiyo Shuruud ay Aqoon-yahanka, Dhalinyaradda iyo Waxgaradka Beel-waynta Arab Sheekh Isaxaaq ku xidheen.

Shuruudan ayaa ah haddii ay ka dhabtay tahay Musharaxnimaddu Cirro oo uu doonayo in Beeshu Maal iyo Muruqba ku barbar istaagto in uu kaga dhabeeyo Qawlka ah in intaan la gaadhin xiliga doorashadda Madaxtooyadda  uu ku wareejiyo xisbiga, taas badalkeedana beeshu ay yar iyo wayn meel ugu soo wadda jeedaan siddii Cirro u guulaysan lahaa, waa sidday qabaan waxgaradka beeshaasiye.

Cirro ayaa hore u shaaciyay in uu Xisbiga ku wareejinayo Beeshaasi siyaasiyiinteeda hadda waxaa muuqata inuu wali indhaha ka furaysanayo in uu si toosa ugu wareejiyo xisbigaasi taas oo sidda ay sheegeen Odayaasha iyo Dhalinyaradda Beeshaasi haddii uu talaabadaasi uu kaga dhabeeyo Cirro ay Kursiga uu doonayo gaadhsiin-doonaan balse Waa sidday yidhaahdeene inta Cirro Gacan-Madow uu doonayo in uu wax ku badasho in arrinku yahay Hal bacaad lagu lisay.

Su,aashan ayaan wali Cirro jawaabteeda meel dhigin

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News