Hangoolnews.com
Akhri:- Lacag Dhan Saddex Iyo Toban Milyan Oo Laga Waayay Goob Dakhli Oo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Ah
July 18, 2017 - Written by Hangool News

Akhri:- Lacag Dhan Saddex Iyo Toban Milyan Oo Laga Waayay Goob Dakhli Oo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Ah

Hangoolnews:- Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac dakhli ka dib markii Kastamka Barbara uu bishan dakhliga soo galay noqday laba iyo sodan bilyan oo lacagta shilinka dalka ah halka uu sanadkii hore ka ahaa laba iyo konton bilyan oo Somaliland ah, marka laga tago lacagta adag ee doolarka oo ahayd sanadkii hore laba milyan iyo dheeraad.

Wasaaradda maaliyadda ayaa kormeer u dirtay guud ahaan goobaha dakhli ee dalka balse wali waxaa ay ku jaahwareersan yihiin sababaha keentay in Kastamka Barbara oo kaliyi uu ku yimaado hoos u dhacaas intaas leeg.

Bishii juun ee sanadkii hore ayay ahay markii uu soo xareeyay kastamkani laba iyo kontanka bilyan ee lacagta waddanka ah oo aanay ku jirin lacagta adagi,

Arrinkase yaabka badan ayaa ah in wasiirka maalliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan aanay waxba ka ogayn hoos u dhacan dhaqaale ee yimid wasaaraddeeda,

Lama garan karayo waxaa keenay sababta intaas leeg wallow aanay wali ka haddal gudida kormeertay kastamadda iyo goobaha dakhli ee dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa isi soo tarayay dhaqaale la,aan soo food saartay wasaaradda maaliyadd iyadoo sababo kala duwan arrinkan lagu macnaynayay.

 

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News