Hangoolnews.com
Wafti Uu Hogaaminayo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Kadis Ah Saaka Ugu Kicitimay Magaada Barbara
July 17, 2017 - Written by Hangool News

Wafti Uu Hogaaminayo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Kadis Ah Saaka Ugu Kicitimay Magaada Barbara

Hangoolnews:- Wafti uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay ka mid yihiin wasiiradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, wasiirka Qorshaynta Maxamed Ibraahim “Qabbo” Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire iyo wakiilka  Somaliland u fadhiya imaaraatka carabta Baashe Cawil ayaa u kicitimay magaaladda barbara

Ujeedada waftigan ayaan wali wax war ah laga soo saarin balse xogo hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi u tageen kulamo ay la qaadanayaan shirkadda maamusha Dakadda Barbara ee D.P.World.

lama oga waftigu in uu halkaasi u tagay khilaaf maamul oo halkaasi ka jiray siddii uu u soo xalin lahaa iyo in kale

Dhinaca kale waxaa wararku sheegayaan in waftigani halkaasi ku sugnaan doono muddo ayaamo ah, geesta kale wararka qaar ayaa sheegay in socdaalkan madaxweyne ku xigeenku la xidhiidho sidii uu xadhiga uga jarilahaa Hutel Damal ee magaalada Berbera, kaasi oo uu leeyahay ganacsadaha Dahabshiil

Waxii warar soo kordha Hangoolnews.com kala soco

COMMENTS
Latest News