Hangoolnews.com
Qisso Yaab-leh: Adeer Kelli Midgaan Inantayda Loo Galin Maayo!
July 17, 2017 - Written by Hangool News

Waxa aad moodaa in aynu baryahan si isdaba joog ah aynu uga hadlayno mushkiladaha iyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka la haybsooco ee Soomalida ah,waxanaan hubaa in inta laga hadlaa dadkaasi iyo dhibta haysataaba ay tahay mid aad u yar, una baahan in markasta bulshada loogu soo bandhigo si cilmiyaysan.

Qisadan aynu hadda guda gali doono waxaa iiga sheekeeyey mid ka mida labada qof ee ay sheekadu khusayso ,sida sheekada ka muuqatana waxa aad dareemaysaa in quudhsiga iyo haybsooca dadkaasi lagu hayaa in uu mararka qaar uu gaadhaayo heer aan loo dul qaadan karin oo xataa Bini’aadminimda ka baxsan.

Waatan qisadii iyo sheekadii,iyada oo aynu qarin doonno dhamaan magacyada dadka.

Waxa aan ahaa gabadh ku nool Hargaysa gaar ahaan degmada Gacanlibaax,waxa aan ka dhashay qoys sharaf iyo karaamo ku leh magalada Hargaysa,kana mid ahaa qoysaska Ilahay uu wax siiyey dhanka nolosha,waxaana i dhalay Aabo magacwayn ku leh magalada Hargaysa.

Dhanka waxbarashada waxa aan dhigan jiray Dugsiyadii markaasi ka furnaa Hargaysa mid ka mida,waxa aan ahaa gabdhaha dhanka waxbarashada kuwa ugu fiican, isla markaana hiigsanaysa heer ilaa Jaamacad.

Dugsiga ama Iskuulka aan dhigto waxa iyana sida oo kale dhigta oo qayb ka ah Wiil dhalinyaro ah oo markaasi uun aanu is baranay,waxa uu ahaa wiil dhanka waxbarasha iyo Akhlaaqda ku fiican ,qabiil ahaanna kasoo jeeda dadka la haybsooco ee Gabooyaha loo yaqaano ,halka aaniguna kasoo jeedo dadka wax haybsooca ama Soomalidu u taqaano Laandheeraha,Allaahu aclam.

Inankaasi isaga ah waxa aanu sheekaysanaynay muddo aan aan sidaasi u badnayn,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ma aysan jirin wax barnaamij ah oo aanu isla soo hadal qaadnay,madamaa labadayaduba aanu nahay dad markaasi ay waalidkood gacanta ku hayaan waxna barta ;hadana sidaasoo ay tahay waxa mararka qaar maskaxdayda kusoo dhici jirtay,haddii aan inuun nin guursanaayo in aan isaga guursado,waa hadii uu Ilahay isu kaayo calfo.

Wiilkii dhalinyarada ahaa waxa aan si niyad sami ah ugu qaaday jacayl iyo rabitaan qalbiga ah oo aanan isagana u sheegin,hadana sidaasi oo ay tahay waxa qalbigayga ka dhex guuxaaya fikirka iyo aragtida qalafsan ee uu Aabahay ama qoyskaygu uu ka aaminsan yahay qabiilka uu ninkan dhalinyarada ahi uu kasoo jeedo ee Gabooye.

Arimahaasi iska horimanaya ee maskaxdayda ku jira, waxa ay noqdeen kuwo shido iyo dhibaato maskaxdayda ku haya ,sidaasi oo ay tahay, kalgacalka iyo jacaylka aan wiilkan Gabooyo u qabana cidna umaan sheegin isagaba ha ahaatee,balse hadana dhalintii iyo asxaabtii aan la’haa waxa ay noqdeen kuwa dhaqdhaqaaqayga iyo dareen kayga ka ogaada in aan wiilkan jeclahay ama aan markasta ku niyad samahay la sheekaysigiisa,isaguna laftiisu waxa uu ahaa mid si xeel dheer uga warhaya in aan jeclahay.

Alahay amarkii maalin maalmaha ka mida ayaa waxa ii yimi wiilkii ,waxaanu ii sheegay in uu u dhoofaayo wadan ka mida wadamada Eeshiya isla markaana uu waxbarasho u tagaayo,taasi oo aniga dhankayga aanan jeclaysan kuna faraxsanayn,hadana sidaasi oo ay tahay waxa aan ku khasbanahay in aanu ogolaado in uu waxbarashadiisa sii korodh sado .

Wixii intaasi ka danbeeyey waxa aan u sheegay madamaa uu rabo in uu wadanka ka tago wixii qalbigayga ku jiray iyo in aan jacayl dhab ah aan u hayo,taas mid la mid ah waxa uu dhankiisa igu wargaliyey in uu yahay nin i jecel,doonayana mustaqbalka in uu i guursandoono.

Inankii isaga ahaa waxa uu ka dhoofay wadankii waxaanu tegay dalkii uu waxbarashada ka helay,aniga iyo isaguna waxa aanu noqonay kuwo aad u kala fogaaday dhanka nolosha,madamaa uu tagay wadan aad iiga fog, balse hadana xidhiidhkayaga dhanka iska warhayntu waxa uu ahaa mid joogta ah.

Muddo aan ka yarayn hal sano markii uu maqnaa,xidhiidhkayagii iyo iska warhayntayadiina ay tahay mid Ilahay lagu mahadiyo ,ayaa aniga waxaa si kadiso ah iigu soo booday xanuun aanan hore isugu ogahayn oo ah dhanka Kalyaha.

Waxa aan tegay dhakhtar ku yaala magalada Hargaysa waxaanay ii sheegeen in Kalyahagu ay yihiin kuwo aad moodo in ay adag tahay in ay wakhtibadan sii shaqeeyaan,taasi awadeed ayaa waxa ay sababtay in sida ugu dhakhsaha badan Aabahay uu iila cararo wadan dibada ah oo caafimaadkayga lagu daawayn karo.

Nasiib wanaag waxa aan tegay wadankii uu markaasi uu joogay wiilkii aan jeclaa,balse waxa la igeeyey magaalo aad uga durugsan halka uu ku nool yahay,waxa la i jiifiyey dhakhtar,waxa la baadhay xanuunka i haya iyo waxa uu yahay,balse waxa uu dhakhtarku aniga iyo waalidkayba u sheegay in Kalyahaygu ay yihiin kuwo aad i daciif ah oo ay adag tahay in ay wakhti dheer sii shaqeeyaan.

Intii aan dhakhtarka ku jiray oo markaasi gaadhaysa Afar Bilood wiilkii aanu isjeclayn waxa uu isoo booqday marar badan, iyada oo ay hadana aad u kala fogyihiin gobolka uu degan yahay iyo halka uu ku yaalo dhakhtarka aan ku jiraa.

Waxyabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mid ahaa,in wakhti wakhtiyada ka mida isaga oo Abahay ila jooga in uu wiilkii ii yimi ina soo booqday,sida inta badan iska caadada ah waxa uu Abahay wiilkii waydiiyey halka uu ka yimi iyo waxyabaha uu barto,markii uu u sheegayna waxa uu Abahay hadana su’aal dib u waydiiyey cidda ama qabiilka uu yahay,taasi oo waxooga aan dareemaayo in ay wiilkii ku adkaatay,hadana sidaasi oo ay tahay waxa uu ugu jawaabay “Adeer waxa aan ahay Gabooye”.

Markii uu Abahay uu ogaaday ninkan dhalinyarada ah ee aanu is jecel nahay qabiilka iyo qolada uu kasoo jeedo, wixii intaasi ka danbeeyey waxa aan dareemay in aanu Abahay jeclaan jirin booqashadiisa isla markaana uu karhi jiray aadna u dhibsan jiray in uu ii yimaado.

Hadana iyada oo ay sidaasi tahay ninkii dhalinyarada ahaa marnaba ma uusan noqon qof booqashadayda ka caajisa,walaw oo uu ogaaday in aanu abahay ku niyad samayn in uu ii yimaado ama uu ila joogo.

Arintaasi oo aniga warwar dheeraada igu haysa ,ayaa waxa si kadisa ah habeen habeenada ka mida igu soo booday xanuunkii Kelyaha iga hayey,muddo ka bacdina waxa uu dhakhtarkii si toos ah noogu sheegay aniga iyo Abahayba in dhamaan Kalyahaygii ay joojiyeen shaqadii loogu talagalay,loona baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan Kelyo la iigu helo,hadii kalana aan u dhimanaayo.

Wadankan aan joogo inta badan waxa uu ka mid tahay wadamada aan sida dhakhsaha ah aan loogu helin Kalyaha qofka u baahan,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxa mararka qaar la helaa Kelyo Iib ah kuwaasi oo ku kacaaya Lacag aad u farabadan,taasi oo uu Abahay waxkasta oo ay ku kacayaanba uu diyaar u ahaa.

Madamaa ay Kalyahaygii ay Fadhiisteen ,waxaa igu bilaaban tay inta Kelli la ii helaayo in sifays loogu dhaqaaqo sidii Kaadidayda iyo dhiiga loo kala sifayn lahaa,waxa la igu rakibay tuunbooyin,waxaa jidhkayga laga dalooliyey Misigta hoosteeda ,kadibna Kadidaydu waxa ay kusoo shubmi jirtay qalab loogu talagalay.

Waxa aan noqday qof tabcaan ah,waxa isbadalay muuqaygii iyo aragtidii quruxda badnayd ee aan lahaa,waxaa is dhimay jidhkaygii cudoonaa,waxa meesha ka baxay yididiiladii iyo rajadii fiicnayd ee aan noloshayda ka qabay.

Inkastoo Aabahay uu wakhti badan ku lumiyey sidii uu Kalli iib ah iigu hali lahaa,hadana sidaasi oo ay tahay waxa markasta is-yeelan waayey Kallida aan u bahanahay iyo mida markaasi dadka wadanka u dhashay ay rabaan in ay naga iibiyaan ama dhakhtarkuba uu noo helo.

Cafimaadkaygii oo meel xun maraaya ,ayaa maalin maalmaha ka mida iyada oo aan ahay qof aad uga warwarsan mustaqbalka nolosheeda, isla markaana aanu wada fadhino dhakhtarkii hawshayda ku shaqo lahaa iyo Abahay,ayaa waxa si kadisa ah qolkii aan jiifay noogu yimi wiilkii aanu isjeclayn.

Markii uu nosoo galay ee uu na salaamay,runtii sida aan xasuusanahay Abahay si sax ah ugama uusan qaadin salaantii, ma garan karo sabab Aabahay ku kaliftay in aanu wiilkaasi salaanta islaamka ka qaadin ,marka laga tago in aabay uu jidhdiidaayo imaatinka wiilkaasi qabiilka Gabooye ee uu yahay awadii.

Wiilkii waxba ma uusan dhibsan Abahay qaabkan uu ula dhaqmay,dhakhtarka laftiisii ayaa waxa uu dareemay in aanu Abahay wiilkan imaatinkiisa aanu ku niyad samayn,waayo waxa uu dhakhtarku arkay in dhalinyaro badan oo markaasi Rag u badan qabiilkaygana ah sida fiican ee farxada iyo kalgacalka leh ee uu Abahay usoo dhawaynaayo.

Wiilkii dhalinyarada ahaa ,wax raad ah ama dhibaato ah uma uusan dareemin waalidkay sida aan fiicnayn ee uu markasta ula dhaqmaayo,waxaanu iska dhagaystay warbixintii uu dhakhtarku isiinaayey ee ahayd in aan wali la hayn Kallyo anigu aan ku shaqayn karo,iyada oo uu dhakhtarku nagula taliyey in wadankan la iga qaado oo la i geeyo wadankale oo aan kan ka fogayn.

Markii aanu dhamaantayo maqalnay taladii dhakhtarka oo aad nooga naxisay ,ayaa waxaa si lama filaan ah u hadlay wiilkii dhalinyarada ahaa ee aanu is jeclayn,waxa uu dhakhtarkii ku yidhi isaga oo kula hadlaaya luqada Ingiriisiga “” dhakhtar haddii loo baahan yahay in gabadhan Kelli ay ku noolaato loo saaro,aniga ayaa labadayda Kelyood mid ka mida u saaraya””.

Runtii hadalkaasi waxa uu ahaa mid i farax iyo rajo galiyey,balse Abahay waxa uu si lama filaan ah wiilkii ugu yidhi “”Adeer Kelli Midgaan Ilahay nama badin ,inantaydana loo galin maayo ee raali ahaw””!

Waxa aad la socondoontaan qaybta labaad ee sheekada.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

COMMENTS
Latest News