Hangoolnews.com
Ganacsade Reer Somaliland Ah Oo Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Uu Bilaabmayo Dhoofinta Xoolaha Xajku
July 17, 2017 - Written by Hangool News

Hargeysa (Hangoolnews.com) Dhoofka xoolaha nool ee Somaliland oo mudo xayirnaa ayaa dib uga bilaabmay dekaadda Berbera, waxaana la filaya in xooliihii ugu horeeyay ay ka dhoofaan marsadaasi todobaadkan.

Ganacsade Cali Ibraahin Ciise kana mida ganacsatada waa weyn ee xoolaha dhoofisa ahna wiil ka tirsan shirkada Al-jabari oo Wargeyska Dawan wax ka weydiiyay inay sanadkan xoolihii xajku dhoofayaan iyo inay xayiraadi saran tahay ayaa ku jawaabay “Xoolaha dhoofkoodi waa u bilabmay oo imika iibsigoodi ayaa socda, sayladaha dalkana waa uu ka bilaabmay iibsiga xooluhu, waxaana jira in qaybihii ugu horeeyay ee laga iibsaday sayladaha dalku ay ku jiraan maxjaradda caafimaadinta ee Berbera, si dhakhso ahna xooluhu waa ay u dhoofan oo todobbaadkan gudihiisa xoolihiina sidaasi ayay ku furmeen”

Talaabadan ay xooluhu ku furmeen ayaa ka danbeysay kadib markii dadaal badan galisay xukuumadda Somaliland.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/office

COMMENTS
Latest News