Hangoolnews.com
Dhab Baa In Mid Ka Mida Wasiiradda Ugu Tunka Wayn Xukumadda Madaxwayne Siilaayo Ergo Iyo Odayaal U Diray Muuse Biixi Cabdi
July 17, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Warar hor dhac ah oo uu helaayo Hangoolnews ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryayta Mudane Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan”oo intii dambe ay isku sin-banaaneeyeen Guddoomiyaha xisbiga kulmiye soo kala dhex galay khilaaf kaas oo ahaa in uu wasiirku Cagaf uu madaxwayne siilaayo siiyay Degmadda Dhoqoshay uu kala noqday,

Halka  uu Muuse Biixi ka biyo diiday talaabadan oo uu u arkay in ay ka hor imayso danaha kulmiye xiligan ololaha.

Arrinka ayaa labadda masuul dhexdooda ku abuuray in midba kale wajiga ka dadbo gaar ahaan wasiirka howlaha guud Mudane Cali Xasan Maxamed.

Xogo hoose oo arrimahani la xidhiidha ayaa daaha ka faydaya in Cali Mareexaan Ergo u diray guddoomiyaha xisbiga kulmiye si aanu Muuse ugu arag in wasiirkani ka soo horjeeday in Guddoomiyaha kulmiye taageero loo muujin waayo,

Si kastaba ha ahaatee waxaa Muuse Biixi  sidda xogtu tibaaxayso laga raali-galinyay arrinka uu ku dhaqaaqay wasiirka xisbigiisa xadhkaha lagu xidhayo xuladda ku sita.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News