Hangoolnews.com
Akhri:- Siyaasiyiinta Bariga Burco Oo Awooddii Ay Isku Muuquurinayeen Ku Kala Calaf Qaaday, Iyo Masuulka Siyaasi Waxtar Leh Lagu Sifeeyay
July 17, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Maalmahii ugu dambeeyay waxaa ka aloosnaa guud ahaan gobolka togdheer loolan  siyaasadaynsan oo u dhexeeyey siyaasiyiinta ilma-adeerka ah ee kula aragtidda ah siyaasadda asxaabta qaranka.

Loolankan ayaa waxaa uu si toosa ugu dhexeeyay oo fagaarayaasha si aada looga arkayay wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gurieynta mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan”  Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Mudane Xirsi X Cali Xasan, Inkasta oo wasiirka wasaaradda madaxtooyadda somaliland uu ku maqnaa imaaraatka haddana waxaa uu halkaasi isna dhinaciisa kaga jiray gacan ku qabashadda siyaasadeed ee uu mid waliba doonayo in uu dhankiisa awoodd adag ku yeesho guud ahaan beesha ay ka soo jeedaan ee bariga burco.

Saddexdan masuul ayaa mid waliba waxaa  uu si hoose shirar ula galay odoyaasha iyo waxgaradka deegaankaasi waxaana mid waliba ku qancinayay in uu yahay siyaasiga kaliya ee reerka isku waddi karra, inkastoo ay xataa goobaha fagaarayaasha ah ka tuurayeen hadal aan ka fogayn kaas aan xusnay.

Bulshadda deegaanadda ay ka soo jeedaan saddexdan siyaasi ayaa mudadaasi way iyaga aad u feejigan ay kala dooranayeen cidii ay ku aamini lahaayeen in uu noqdo siyaasiga reerka,

Dhinaca kale deegaanadda ay  saddexdan siyaasi ka soo jeedaan ayaa waxaa ay kukala xulanayeen siyaasiga reerka kii noqon lahaa waxyaabahii ay qabteen masuuliyiintani.

Waxaana halkaasi taariikhda siyaasadda ku xoog roonaaday Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi X Cali Xasan waxaana la isla qaatay in uu ku guulaystay isku xidhka reerka, u sinaan-shaha  bulshadda beesha dhexdeeda ah, bilowga waddada Ceergaabo, Bixinta Cagaftii uu la noqday wasiirka howlaha guud ee Dagmadda Dhoqoshayna ka qayliday.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News