Hangoolnews.com
Akhri:- “Adeer Anigu Ma Garanayo Cidda Tidhi Xisbiga Waddani  Ayuu Ku Biirayaa Waxaan Go,Aansaday In Aan…”Guddoomiyahii Hore Ee Hayadda Shaqaalaha
July 17, 2017 - Written by Hangool News

Akhri:- “Adeer Anigu Ma Garanayo Cidda Tidhi Xisbiga Waddani  Ayuu Ku Biirayaa Waxaan Go,Aansaday In Aan…”Guddoomiyahii Hore Ee Hayadda Shaqaalaha

Hangoolnews:- Guddoomiyahii hore ee hayadda shaqaalaha dowladda Mudane Cabdiraxmaan Cadami ayaa beeninayay war sheegaya in uu khamiista isaga iyo masuuliyiin kale oo ay ku hayb yihiin ay ku biirayaan xisbiga mucaaridka ah ee waddani, waxaanu yidhi Cabdiraxmaan Cadami:-

Adeer ma jiro xisbi aan ku biirayaa oo waxaan go,aansaday in aanan saddexda xisbi mida la safan.

Hangoolnews oo la xidhiidhay Cabdiraxaan ayaa waydiiyay in uu wax ka og yahay asxaabtiisa kale ee warbaahintu qortay in ay ku biirayaan xisbiga waddani waxaanu ku jawaabay:-

Arrinkaa waxba kama ogi oo waan xanuusanyay laba cisho Ayaan dalka joogaa, qof walbana halka uu u arko dantiisa ayuu taageerayaa laakiin aniga Cabdiraxmaan ahaan ma jirto xisbi aan ku biirayaa ee siddaas ula soco

Maalmahii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo if-baxayay warar sheegaya in Cabdiraxaam Cadami  iyo masuuliyiin kale ay ku biirayaan xisbigaasi waddani inta aanu imika arrinkani beenin waa Cabdiraxmaan Caddamiye.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News