Hangoolnews.com
Tartamayaasha Doorashada Maxtooyada Ee Somaliland Miyey Hurdaan Mise………Q:4?
July 16, 2017 - Written by Hangool News

Halka rajadii Waddani ee deegaanadaasina ku soo afmeerantay wax ka yar todobaad iyada oo weliba gudoomiye Cirro aanu Burco hore

 

Waftiga Gudoomiye Muuse Biixi ee Burco iyo deegaanada ku xeeran waxay hilaw iyo heelanaan ku joogaan muddo ku sii dhawanaaysa laba todobaad taas oo ka timid rabitaanka iyo taageerada shacabka ku dhaqan deeganadaas ay u hayaan Musharaxa Kulmiye , Halka rajadii Waddani ee deegaanadaasina ku soo afmeerantay wax ka yar todobaad iyada oo weliba gudoomiye Cirro aanu Burco hore u dhaafin ee uu dhankaa Oodweyne iyo Hargeysa u soo jihaysta. Waxaanad arkaysaa in aan xaqiiqdu raagin oo aanay sii waarin muunada aan cagaha ku taagnay ee igu sawirta ahna fashil ku danbayso aakhirka, inta badan marka roobabku da’aan waxa dhasha cayayaan yaryar oo soomaalidu u taqaan Roob la dhac

 

marka dhibicdu qaadana la waayo Xisbiga Waddani sidaas ayuu ka dhigan yahay.

 

Sidaas darteed; Lama dafiri karo xaqiiqda horteena taala, Muuse Biixi wuu hantiyay quluubta shacabka ku dhaqan Gobolada Togdheer, Daadmadheedh iyo Deegaanada ku xeeran. Wuxuuna muujiyay bisayl siyaasiya iyo waayo aragnimo dhaqan iyo deegaanba leh oo uu dheeryahay labada Musharax ee kale.

 

Guul Kulmiye.

COMMENTS
Latest News