Hangoolnews.com
Tartamayaasha Doorashada Maxtooyada Ee Somaliland Miyey Hurdaan Mise………Q:4?
July 16, 2017 - Written by Hangool News

Sidaa ayaa aan u taageeraa qofka qarankiisa dhisaya una tilmaamaa kan gudta ka jaraya waayo waa waajib isaaran in aan wanaaga taageero xumaha ka digo oo Allah

 

Sideedaba Qaranku waa jirida,xididada isku haya geedka intiisa kale qabiiladuna waa waa laamaha geedka intiisa kale markaa waa muhiim in geedka guntiisa la xanaaneeyaa in ka badan lamaha waayo suura gal maha in laamuhu jiraan jirida iyo xididada la aantood sidaa darteed qaran ma jirayo hadii aan la ilaalin xididadiisa iyo jiradaha uu ku taagan yahay sidaasi waa fahanka saxa ah ee u baahan in aynu fahano.

 

Xisbiyada Somaliland dhamaantood waa kuwa ku guuldareystey in ay ilaaliyaan geedka qaranimada qunta iyo xididada uu ku taagan yahay, waxay ka door bideen lamaha sare ee geedka(

 

 

 

 

Qabyalada) oo ah mid aan horumar iyo waxtar u lahayn jiritaanka geedka(Qaranka).Marka aan xaqiiqada ka hadlo dhibaatada ugu weyn ee dadkeyga haysataa waa isla xisaabtan la’aan,qabyaalad ,dano shaqsiyadeed iyo iska taageerid indho la’aana shaqsi si reernimo ku saleysan.

 

Anigaygan ayaa laygu colaadiyaa maxaad musharaxa reer hebel u caayi weydey,una amaani weydey kan baa inaa deerkaa ahe balse jawaabteydu waa mid cad oo ah anigu waxaa inaa adeerkey ah qofkasta oo qaranka Somaliland dhisaya,horumarinaya,daacad ah,amiinsan in qaranku yahay jirida jeedka iyo xididada laamuhuna yihiin qabiiladii markaa suura gel maha in aan kan jirida iyo xididada geedka u horseedaya xanaaneynta iyo daryeelka jirada iyo xididada in aan ka hor imaado oo aan ku bedelsho mid ahaan aragtidiisu dhafsiisaney laanta(qabiil) Ayaan horumarinayaa dhisayaa wax u qabanayaa waayo sidee geedka lamahiisu u jirikaraan hadii geedka xididadiisu ay dhintaan daryeel la’aan darteed.

 

Sidaa ayaa aan u taageeraa qofka qarankiisa dhisaya una tilmaamaa kan gudta ka jaraya waayo waa waajib isaaran in aan wanaaga taageero xumaha ka digo oo Allah (swt) ina wada faray in aynu wixii wanaaga isku kaashano wixii xuna iskaga digno. Waxaa doonayaa oo keliya waa Somaliland oo guud ahaan ka soo qaaday sawirka geedkan oo macnihiisu yahay Qaranimadu waa sida geedkaa,Jiridu iyo xididadu waa aas aaska qaranimo laamuhuna waa reerihii kolkaa ninkii doonaya in uu reerkiisa wax u qabto waa ninka og in geedku(qaranku)u baahan yahay:

 

Biyo(water), nafaqooyin(nutrients), hawo(Air), iftiin(light),heerkul temperature),barxad(space) iyo wakhti(time). Sida Adamiguba ugu bahan yahay intaas oo dhan si uu u noolaado.Markaa caqliga wanaagsani wuxuu yahay in laamina (reerna) keligeed wax loo qaban Karin marka dawladnimo laga hadlayo

 

 

 

Tartama oo soo bandhiga waxaad umada u qabaneysaan.

 

Balse looma baahna reer reer iyo kala qoqobid daneystanimo,iyo aflagaado ,siyaasiga ku dhaqma inuu uu si anshaxa ka baxsan u ololeeyo waa in sharciga qaranka la mariyaa oo lagu qaadaa dembiga uu galey, waxaa loo baahan yahay qorshe siyaasadeed ee xisbigaagu ku hogaamindoono dalka 5 sano ee soo socda balse lagaagama fadhiyo siyaasada dadka aan waxba kala socon dawladnimadu waxay tahay ee garaadkoodu ku wajahan yahay uu hebel oo misharaxa  reer kayga ah baan soo saarayaa waxaasi istirajiyad ma aha qorshena ma aha wax qabadna ma aha waa aragti aad u liidata sida nin qoslaya Ayaan idiin wadaa oo kale dadkani hadii nin qoslaaya u baahan yihiin Jawaan iyo Sooraan baa ku filan, balse waxay u baahan yihiin hogaamiye bisil oo aragti dheer,daacad ah,waxaa uu qabanayo maskadiisa ku keydsan tahay,raba inuu Somaliland oo mid ah Madaxweyne u noqdo,oo citiraafkeeni kara,dhaqaalaha kobcin kara,difaaci kara dalkiisa,shaqooyin abuuri kara,xoolaheena wax soo saarkooda iyo suuqgeyntooda habeen kara , walse nasiib daro xisbiyada aan ogahay dadka hagaya kama filayo waxaan ahay feenasho iyo xaalufin dad iyo degaan…………..

 

La soco qayaha dambe

 

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

 

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

 

©Hogaanka.wordperss

COMMENTS
Latest News