Hangoolnews.com
Ilduuf Iyo Mooganaantii Ugu Weynayd Taariikhda Ee Lughaya Iyo Baki !! Qor1aad Dr.Khadar-Libaaxley.
July 16, 2017 - Written by Hangool News

siday ku dhacday in bali-gubadle oo tirada dadka iska diwaangaliyey yihiin 14,757 Buuhoodle oo tirada dadkii iska diwaan galiyey yihiin

 

Hordhac:   in  dhaweyd  weynu  kala  baadnay  sababtoo  ah   wiilkayga  Boqore  khadar  ayaan   dhakhtar  kula  jiray  mudo  6  casho  ah , boqore  iyo  hooyadii   hoodo  geedi  ayaa  todobaad   ka  hor  Berbera  booqasho  ugu  tagay  ayeydii  ardo  caqli , boqore  oo  ku  dhex  ciyaaraya  hudheelka   ayeydii  ayaa  disti  maraq  ka  buuxo  dib-dib  ugu  dhacay   deedna  Hargaisa  oo  aan  joogay  loola  soo  cararay,  Boqore  wuxu  idiinka  rajaynayaa  in  aad  u  soo   ducaysaan   si   uu  rabi  u  caafiyo  insha’allah.

 

 

 

….……………………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

War  la   helyaaba   tallo   la  helo  e’   aan   ku   horeyno  Weydiimo   maan-gal   ah:

 

 

 

  1. siday ku   dhacday  in  bali-gubadle  oo  tirada   dadka  iska   diwaangaliyey   yihiin  14,757    Buuhoodle  oo  tirada   dadkii   iska  diwaan

 

 

 

 

galiyey  yihiin 9,933.  taleex  oo   tirada   dadka  iska   diwaan   galiyey  yihiin  5,145  iyo  Badhan  oo  tirada  dadka  iska  diwangaliyey   yihiin  4,625  ay   noqdaan   GOBOLO  JIRA  oo  shaqeeya  oo  aasaasiyaadkii   gobolnimo  dhismihiisu  u  socdo??!!  halka   LUGHAYA  oo  lixgoobood  ka  xanibantahay   dadkeeda  haleelay  diwaangalintu   yihiin  15,185  iyo  BAKI    dadkeeda  haleelay  diwaanglintu  yihiin  14,830    ay  ahaadaan  2dan  degmo , degmooyin  aan   gobolnimo  gaadhin  wali ??!!

 

  1. Gobolkii maroodi  jeex  gobolnimadiisii  degmada   hargaisa  iyo  intay  xukunto  oo  kaliya  ayaa   ku  hadhay  gobolnimadiisii  waayo   3diisii  degmo  ee ( Hargaisa- Berbera-  iyo  gabiley ) gobolo  ayey  noqdeen  iyo  waliba  baligudadle  oo   aan  degmooyinkii  hore  kujiririn  oo  iyadna  gobol  cusub  noqotay !!  maxaa   AWDAL  isku  raray  ee  ay  dusha  iskaga   saarantahay  wali    gobolka   salal  marka  laga    yimaado ??!

 

  1. Gobolkii togdheer gobolnimadiisii  degmda  Burco  iyo  inta  ay  xukunto  oo  kaliya  ayaa   ku  hadhay  gobolnimadii  togdheer  waayo  (  oodweyne ,  Buuhoodle  ) gobolo  noqdeen!,  degmada  sheekh  waxa  ay   ka  mid  noqotay  gobolka  saaxil ! maxaa   AWDAL  isku  raray  ee  ay  dusha  iskaga   saarantahay   marka   gobolka  salal  laga  yimaado ??!

 

  1. Gobolka sool laascaanood  iyo  xudun  ayaa  ku  hadhay  gobolnimadii  sool  halka ( caynaba  iyo  taleex  oo  sool  ka  tirsanaa  ay  gobolo  isku  badaleen)  maxaa   AWDAL  isku  raray  ee  ay  dusha  iskaga   saarantahay   marka   gobolka  salal  laga  yimaado ??

 

Muhiimada  iyo  mudnaanta  siyaasadeed   ee  deegaan:-

 

Mara  laga  yimaado   tusmooyinka  dastuurku  dhigayo ;Dawladu   marka   ay   gobol  magacaabayso  intaynu  ka  baranay   wax  kamid  ah  halbeegayada  iyo  qiyaasaha  ay  ku  bixiso  gobolnimo  waxa   ka  mid  ah  ( kaalinta  iyo  doorka   deegaan    ka  soo   ciyaaray   halgamadii  heeryo  iska  tuurka  gumaysiga  iyo  dibu  xorayntii  somaliand !!).

 

Degmada  Baki   waxa  ay  leedahay  2ba  muhiimadood  oo  gobol  isbixiya   ku  noqon   karto :

 

  1. waa degmo  qani  ku  ah  silsilada  buuraha  waaweyn   ee  macdanta  dunida  qaaliga  ku  ah  ee  ( barilium  ama  emirol-ka  loo  yaqaano)  qodisteeda  iyo  soosaaristeeduna  qiimo  sare   kor  ugu  qaadi  karto  nolosha  bulshada  iyo  dhaqaalaha  dalka ;  albaab  furana   u  noqonkarta  xidhiidhka  somaliland  la  leedahay  dunida   inteeda  kale.

 

  1. waa degmo durduro  badan  leh  oo  horey  iyo  imikaba   caan  iyo   hodan  ku  ahayd   waxsoosaarka  beer-biyoodka  looyaqaan  ( crop  cash)  oo  dakhli  badan  u  abuura  dadka  deegaanka  iyo  guud   ahaan  somaliland.

 

 

 

Kuwani   waxa  ay  qayb  ka  yihiin  muhiimadaha  ay  degmadani  khusuusi  ku  tahay  oo  aanay   degmooyin  badan  oo  dalka  ahi  yartay  yeelashada  khusuusiyaadkan  degmada  Baki  ;  muhiimadahan   waa  kuwo  degmada  Baki  ku  iibin  kara  noqoshada   gobol  buuxa  hadii   ay  hesho  cid  u  dadaasha  oo  aanay  hagranin.

 

 

 

  1. Lughaya : waa deegaan xeeb  dheer  leh  si  buuxda  isku  bixin  kara !!  badi  dadka  reer  lughaya  waxa  noloshooda  iyo  dhaqaalaheedu  ku  tiirsanyahay   bada  iyo   kaluumaysi ,marka  la  eego  halbeegii   gumaystayaashii  reer  yurub  ku  bixin  jireen   ruqsada  wadan  buuxa  marka  laga  yimaado   danahooga   gaarka  ah;  waxa  ugu  mudneyd  in  ( baaxda  dhul  ee  dal   la  siin  karaa   inta  ugu  yarba  ha  noqotee   in  uu  shardiga  koowaad  bad  ay  wax  u  soo   maraan  leeyahay,  tani  waa  sababta  wadamada  dunida  ugu  yar-yar  ee  gumaystayaashu  bixiyeen  ay  dhamaantood   bad  u  leeyihiin,  oo  uu  ka  mid  yahay  dalka  dunida  ugu  yar   VATICAN  CITY  oo  baaxad  dhuleedkiisu  yahay  0.2  square miles .)

 

 

 

Lughaya  oo  lixda  gooboodna  ee  ka  xaniban  loo  fasaxo  oo   dhamaan  beelaha  reer  lughaya  ah   ay  ka  hawlgalaan  horumarinta  deegaankooda  oo  wada  jir  ku  raadiya  gobolnimada  lughaya  wey  ka  midha-dhalin  karaan  haday   dabka  isku  furaan  oo  ay  karti  isgaliyaan.

 

 

 

 

 

Talaa la hilaadiyaa

 

hankaa la talaabiya

 

Tusbaa reer loo rara

 

Tigaadba lala darsa

 

Talaabada horumarkan

 

Tab baa lagu haybiyaa

 

hadaad waayo taagdarnayd

 

wixii kaa Tagay marhore

 

Toolmooni ku baadidoon

 

Taladiii ninrageeed samee

 

 

 

 

 

  1. Maxay tahay faa’idada  ku  jirta   gobol  noqoshada  Baki  iyo  Lughaya ??

 

 

 

  1. Meelo lamid ah  amaba   ka  yar   degmooyinka  Baki  iyo  lughaya  horey  wadamada   dariska  iyo  dunidaba   gobolo  ama   wadamo   ma  yihiin  imika ??

 

 

 

  1. yaa laga rabaa  in  ay  raadiyaan  xuquuqda  gobolnimo  ee  Baki  iyo  lughaya ??

 

 

 

 

 

Lasoco  qormada  tan  xigta……………………………………………………………………  coming  soon…………………………………………………………………………………………………………….

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

 

dr.khadar05@gmail.com

 

gargorey4@gmail.com

 

Regional political analysts

COMMENTS
Latest News