Hangoolnews.com
Dag Dag:- Akhri:- Macagyadda Siyaasiyiin Tiro Badan Oo Ka Soo Jeeda Beesha Muuse Biixi Oo Ku Biiraya Khamiista Xisbiga Waddani
July 16, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Maalinta khamiista ayaa haddii eebe ina gaadhsiiyo waxaa la filayaa in xisbiga waddani ay ku biiraan siyaasiyiin tiro badan oo ka soo jeeda beesha Musharaxa xisbiga kulmiye kuwaas oo ay ka mid yihiin sidda warar la hubo ama badhkood aan ka xaqiijinay in ay ku soo biirayaan xisbiga waddani Siyaasiyiintani

  • Axmed Jaambiir Suldaan Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Cigaal
  • Ismaaciil Aadan Cismaan Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Daahir Riyaale
  • Cabdilaahi Ismaaciil Cali “Cirro” Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dowladdii Daahir Riyaale
  • Guddoomiyahii hayadda shaqaalaha Cabdiraxmaan Cadami
  • Maareeyahii hore ee Wakaaladda biyaha Hargaysa Ibraahim Siyaad
  • Abiib Diiriye Nuur wasiir kii hore ee Warfaafinta ee Siilaanyo.

Geesta kale waxaa wararka hor dhaca ah ee soo gaadhay Hangoolnews ee arrinkani ku saaban ay sheegaya in tiradda masuuliyiintu intaasi ka badan tahay waxaana munaasib balaadhan loo samayn doonaa maalinta khamiista,

Dhinaca kale xogo hoose oo Musharaxa waddani ku dhaw ayaa noo xaqiijiyay in uu xalayto ay is-arkeen qaar ka midda xubnahani oo ay wax isla meel dhigeen.

Waxii warar soo kardha kala soco Hangoolnews

COMMENTS
Latest News