Hangoolnews.com
Weyn Rooney oo Manchester United ka tagay 13 sano ka dib
July 10, 2017 - Written by Hangool

 

Weeraryahanka kooxda Manchster United Weyn Rooney ayaa ka tagay kooxda Manchester United isga oo ku biiray kooxda Everton.

Ku dhowaad 13 sano ayuu u dheelayay kooxdan Manchester, waxayna u muuqatay in macalin Jose Mourinho uusan muddaba ku qanacsanay Rooney.

Rooney wuxuu Manchester United u ciyaaray 559 ciyaarood. wuxuuna dhaliyay 254 gool.

Weyn Rooney Wuxuu kooxda la qaaday koobab badan oo ay ka mid yihiin horyaalka England iyo Horyaalka Yurub.

Qandaraas labo sano ah ayuu Rooney la saxiixday kooxda Everton oo uu yaraantiisiina u ciyaari jiray

Rooney oo hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ku noqoshada kooxda Everton.

COMMENTS
Latest News