Hangoolnews.com
Waa Kuma Weeraryahankii Ugu Qaalisanaa Ee Ay Arsenal Iibsato
July 4, 2017 - Written by Hangool

Weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette ayaa Arsenal u maraya baaritaan caafimaad, ka hor inta uusan noqon cayaartoygii ugu lacagta badnaa ee ay la soo wareegaan. Wuxuu ugu fariisanayaa ugu yaraan 45 malyan oo Gini.

Wuxuu ka sare mari doonaa lacagtii ay Mesut Ozil 2013 kaga soo gateen Real Madrid oo ahayd 42.4 malyan oo Gini.

Lacazette ayaa kaalinta 2aad ka galay gool dhalinta horyaalka Faransiiska ee Ligue 1xilli cayaareedkii dhamaaday, wuxuuna dhaliyey 28 gool.

Goolasha guud ee uu dhaliyey ayaa ah 129 gool oo uu ka dhaliyey 275 cayaarood tan iyo markii uu cayaaraha heerka 1aad ku soo biiray 2009-10. 11 goor ayuu u saftay xulka Faransiiska.

Todobaadkii hore ayaa madaxa kooxda Arsenal, Ivan Gazidis, wuxuu taageerayasha u ballan qaaday in xagaagan ay “heshiisyo tayo sare ah” gali doonaan mar su’aalo la weydiinayey. Qofka kale ee Arsenal ku soo biiray ayaa ah Sead Kolasinac oo ka cayaara difaaca bidix oo kaga soo biiray kooxda Schalke.

COMMENTS
Latest News