Hangoolnews.com
Kooxda Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Oo Dhan 25 Milyan Oo Euro Ka Gudbisay Alex Oxlade-Chamberlain
June 27, 2017 - Written by Hangool

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn dalab Rasmi ah ka gudbisay mid ka mid ah xiddigaha uu taageeraha weyn u yahay tababaraha kooxda ee Jurgen Klopp kadib markii ay Kooxda Arsenal miiska u saareen dalab dhan 25 Milyan oo ay kaga doonayaan xiddiga garabka uga ciyaara ee Alex Oxlade-Chamberlain.

Wargayska Mirror ayaa sheegaysa In Ay Liverpool si Rasmi ah dalab ugu gudbisay kooxda Arsenal si ay u heshos saxiixa xiddiga diidan in uu heshiiska cusub u saxiixo kooxda Gunners ee Alex Oxlade-Chamberlain.

Kooxda ka dhisan Gobolka Merseyside ayaa ka faa,iidaysanaysa kadib markii ay istaageen wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay Arsenal kula jirtay xiddigan reer England.

Arsenal v Manchester United - Premier League

23 jiran ayaa ka mid ah xiddigaha kooxda Arsenal ka tirsan ee galay sanadkoodii ugu dambeeyay ee heshiiska ay kula jireen kooxda xilli uu wali ka meer-meerayo heshiis cusub.

Xiddigan ayaa lagu soo waramayaa in ay sababta ugu weyn ee uu heshiiska cusub u diidayaa tahay in aanu xiddigan si toos ah ugu ciyaarin kooxda maadama uu xilli ciyaareedkii hore kooxda u ciyaaray 6 kulan oo uu ku soo bilowday iyo 13 kulan oo kale oo uu kursiga kaydka ka soo kacay tartamada oo dhan.

Waxana uu xiddigan si baas u doonayaa in uu la shaqeeyo tababaraha xamaasada badan ee hogaamiya kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo taageero weyn u ah xiddigan.

Reds oo horay ula soo wareegtay Mohamed salah Ayaan halkaas ku joojin doonin kharash garaynta lacagaha maadama uu Klopp doonayo in uu dhiso koox u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe.

COMMENTS
Latest News