Hangoolnews.com
Wariye Bartiisa Facebooga Ka Ciidsiiyay Caruurta Agoonta Ah Ee Magaalada Laascaanood + Sawiro
June 20, 2017 - Written by Hangool News

Laascaanood (Hangoolnews.com) Wariye Maxamed Axmed (Maxamed Bidhaanshe) kana mida wariyayaasha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa barta uu ku leeyahay facbooga waxaa uu ka ciidsiiyay lixdan caruura.

Wariyahan ayaa dhaqaalahan caruurta loo siinayo dharka ciida ka soo ururiyay asxaabtiisa ay isugu jiraan uu ku leeyahay Facbooga.

Wariye Bidhaanshe ayaa masuuliyiinta kuuliyada agoonta ku wareejiyay lacagtan lagu ciidsiinayay caruurtan agoonta ah ee goobtaasi ku jirta waxna ka barata.

Wariye Maxamed ayaa oo isagu munaasibadii uu ku wareejinayay lacagtan ka hadlay ayaa ka waramay sidii uu ku soo ururiyay dhaqaalaha intan le’eg.

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Laascaanood/Office

 

 

COMMENTS
Latest News