Hangoolnews.com
Qarax Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Dalka Soomaaliya
June 20, 2017 - Written by Hangool News

Muqdisho (Hangoolnews.Com) Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada wadajir ee gobolka banaadir.

Weerarka, ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, waxaana uu burbur xooggan u geystay xarrunta degmada.

Wariyaha Voa ee Muqdisho, ayaa sheegay in uu arkay meydadka illaa lix ruux oo daadsan halka qaraxa uu ka dhacay.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay qaraxan oo dhacay abaare kowdii duhurnimo ee xilliga muqdisho.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

VOA

COMMENTS
Latest News