Hangoolnews.com
Garoonka Tima-cadde: Laba Goor Ayuu Muuse Biixi Sigay Kubadii Uu Riinka Ku Tuuray Caawa + Sawiro
June 20, 2017 - Written by Hangool News

Hargeysa (Hangoolnews.com) Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE,ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa abaaro 10:24 cawaysnimo, soo booqday Garoonka kubadda Kollayga ee Timacade ee caasimada Hargeysa oo uu joogay muddo saacad badhkeed ah.

Guddoomiyaha oo ay weheliyeen Wasiirka Caddaalada, Axmed Faarax Caddare, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee xisbal-xaakimka, ahna La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada, Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan aqalka Wakiillada, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Xuseen Dhabeeye, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha gacmaha Somaliland, Maxamuud Xasan Cabdilaahi (Qodax), Rashiid Lugey oo ka mid ah bahda Ciyaaraha, ciyaartoyga iyo dadweyne u soo daawasho tagey tartankan kubadda kollayga ah ee ka socda garoonka oo iskugu jira tartan heerka koowaad ah oo ay ku hirdamayaan 7 naadi oo heerka koowaad ah iyo mid kale oo heerka labaad ah oo ay ku loolamayaan 8 kooxood.

Guddoomiyuhu wuxuu 15-ka naadi ugu deeqay dirays dhammaystiran. Waxa kaloo uu bixiyay biladaha, agabka abaal marinta ee tartankan lagu bixin doono marka uu dhammaado.

Guddoomiye Muuse waxaa uu ugu baaqay ciyaartoyga inay horumariyaan xirfadooda ciyaareed, waxaannu balan qaaday inuu taageeri doono oo uu garab taagan yahay. Waxa kaloo uu amaanay qaban qaabiyeyaasha tartankan soo agaasimay.

Guddoomiyuhu wuxuu uu mid mid u gacan qaaday ciyaartoygii labada naadi ee Dawladda hoose ee Gabiley iyo Telesom oo caawa ciyaarayay, waxaannu saddex jeer oo uu riinka ku tuuray kubadda Murrashax Muuse uu laba ka mid ah ku sigtay inuu dhaliyo, halka markii saddexaadna uu kubadii kaga dhacday riinka hoostiisa.

Masuuliyiintii ka hadashay garoonku dhammaantood waxay u mahadceliyeen Guddoomiyaha oo ay ku sifeeyeen siyaasi bisil oo xog ogaal u ah ciyaaraha iyo ciyaartoygaba.

ugu dambayn, ciyaartani waxay caawa badisay kooxda ku ciyaaraysay magaca shirkadda Telesom, oo la timid 54 dhibcood. halka kooxdii kubadda kollayga ee dawladda Hoose ee Gabiley ay keensatay 42 dhibcood.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News