Hangoolnews.com
War Dag Dag:- Nin Dad Ku Laalay Magaaladda Hargaysa Inta Dhimatay + Halka Dilku Ka Dhacay Iyo Tiradda Dhaawaca ah
June 19, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- wararka hor dhaca ah ee soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee Hangoolnews ayaa sheegay in lagu toogtay warshadda caanaha ee magaaladda hargaysa agagaarkeeda oday iyo inankiisii.

Waxaa toogashani ku dhintay sidda la noo xaqiijiyay odaygii halka inankiina dhaawac halisa uu yahay,

Lama garanayo sababta keenay in uu ninka gacan ku dhiiglaha ah  wadda dilo inanka iyo aabahii,

Dhinaca kale ciidanka booliska ayaa baadi goobaya gacan ku dhiiglahii waxaana ciidanku ay ku daba jiraan raadka gacan ku dhiiglaha.

dilkan ayaa dhacay goor ku siman wakhtigii salaada duhur laga soo baxay.

Af-hayeen Ciidan booliska oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino ayaanay noo suuto galin

Waxii warar ka soo kordha kala soco Hangoolnews.co

COMMENTS
Latest News