Hangoolnews.com
Sarifka Lacagta Doolarka Oo Halkii Ugu Saraysay Saaka Maraya Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Afka Ka Xidhay + Halka Uu Gaadhay
June 19, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Suuqyadda lagu kala sarifto lacagaha qalaad ee magaaladda hargaysa ayaa xalay ilaa saaka lagu kala sarifanayaa halkii boqolkii doolar lacag dhan sagaal boqol iyo lixdan ku oo lacagta waddanka ah.

Lama garanayo waxaa keenay in uu sarifku halkaasi gaadho xilli lagu jiro sidii loogu diyaargaroobi lahaa Ciidul-fidriga ramadaan.

Guddoomiyaha baanka Somaliland ayaa dhagaha ka ka gaabsaday sixir barbarkan naafeeyay bulshada Somaliland,

Dhawaan ayay ahayd markii ay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha baanku ay sheegay in ay lacag doolar ah ku sii dayn doonaan suuqyadda dalka,

Inkasta oo ay suurto gal-noqon wayday.

Xukumadda madaxwayne siilaanyo ayaa lagu tilmaansadaa in ay tahay xukumaddii ugu taagta yarayd siddii wax looga qaban lahaa dhinaca sixir bararka.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News