Hangoolnews.com
Dhalinyaradda Iyo Waxgaradka Hargaysa Oo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Ku Sifeeyay Masuul Ku Dayasho Mudan
June 19, 2017 - Written by Hangool News

Hargeysa (Hangoolnews.com) Dhalinyaradd, Waxgaradka, iyo Aqoon-yahanka magaaladda hargaysa, ayaa agaasimaha guud ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid) ku sifeeyay masuul ku dayasho mudan, haday tahay dhinacyada maamulka iyo sida hufnaanta leh ee uu u wado waajibaadka qaran ee uu igmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhalinyaradan iyo aqoon-yahankan oo isugu jiray qaar ka soo kala jeeda degmooyinka iyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa, ayaa dhamaantoodba waxaa ay ka marag kaceen in agaasimaha guud ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid) oo ah nin dhalinyaro ahi uu ka soo baxay dadaal iyo juhdi dheeradana galiyay waajibaadka qaran ee uu u igman yahay.

Waxaanay ugu baaqeen xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) in uu Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid) u qalmo kursi siyaasadeed sida wasiirnimo oo kale

 

Musawirka:– Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Mudane Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid)

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News