Hangoolnews.com
War Deg Dega, Dekada Berbera qaybtii Koonteeenarada Oo Gubanaysa,
June 18, 2017 - Written by Hangoolnews burco

Dekada Berbera Qaybta Loo yaqaan Barxada Wajaale Oo Gubanayasa iyo Qiiqa Ololka Oo Cirka Isku Shareeray, Illaa Iminka lama garnayao waxa Gubanaya , Lamana Ogala Cid Gudahaha u gasha ,

Dabkan Ayaa La arkay Uun Markii salaada Maqrib la Tukaday Wararka Debada Usoo Baxay Ayaa Tibaaxaya In Koonteenaro Meesha Yaalay Dab ka Dhashay, Taasina Aay sababatay Dabkaa Cirka Isku Shareeray, Goobtan Gubanyasa Oo Loo yaqaan Barxada wajaale Ayaa kaabiga Ku haysa , Haamaha Shidaalka Berbera, iyo Shirkadaha Keena Gaaska wax Lagu karsado , Dabcana Xarumo Khatar Isku Ah Ayaa Is Kulaalaya,

Maareeyaha Dekada Berbera Axmed Yuusuf Oo Warbaahinta Qarkood Khadka Tilifoonka Ugu Waramay  Ayaa Sheegay In Aay wali Baadhayan waxa dabka Kiciyay,

 

Wararka Udanbeeyayna waxay Tibaaxayaan In Iminka la damiyay oo Lagu Guulaystay

COMMENTS
Latest News