Hangoolnews.com
Deg Deg :- Dab Hada Ka Kacay Qeybo Ka Mid Ah Dekada Berbera , Iyo Khasaaraha Ka Dhashey
June 18, 2017 - Written by Hangool

Berbera (Hangool News):- Dab ayaa goor dhaweyd fiidkii , bacda afurkii waxaa uu ka kacay qeybo

ka mid ah Dekada magaalada Berbera , waxaana uu dabkani ka bilowdey hal Kontiindher oo sida la sheegay siday AYSIIDH iyo Daawooyin .

Dabkan oo ka bilowdey qeybta la dhigo Koonteenarada ee loo yaqaano Wajaale ayaa isla markii markii uu bilowdey dabkani waxaa   qiiq iyo uuro casi  isku xidhay guud ahaan jawigii magaalada Berbera taas oo ay bulshadu argagax ku riday

Balse nasiib wanaag dabkan ayaan ku sii faafin qeybaha kala duwan ee dekada oo waa la xakameeyey cabaar ka dib , waxaana ciidanka Damdamiska dawlada Hoose markii ay goobta yimadeen u suurto gali weyday in ay dabkaasi damiyaan ka dib markii ay ku neef qabitimoobeen qiiqii dabka ka dhashey , balse markii danbe xal u halay

Goobtan dabku uu ka bilowdey  ayaa waxyar u jirta haamaha shidaalka Ee Berbera iyo goob kale oo shirkada SOM GAS Ku soo dejiso Gaasta Naqaska ah

Sidoo kale waxaa dabkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha haamaha shidaalka Berbera oo isagu ula soo gurmadey qalabka Damdamiska ee budada ah kaas oo hada caafimaadkaasa la tacaalyo

Dhinca kale ciidamada amaanka ayaa saxafada u diiday isla markaana ka hor istaagey in gudaha u galaan dekada

Ila hada ma cada sababta kaliftey in uu dabkani bilowdo wararka aanu helayno waxaa ay sheegayaan in sababta uu dabkani halka KONTEENDHER uga bilowdey ay tahay jawiga magaalada Berbera oo aad u kululaa maanta isla markaana Uu Kontiidharkani yaalay meel barxad ah , sideyna Daawooyin  iyo alaabo ay ACID ku jirto

COMMENTS
Latest News