Hangoolnews.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wiilka Uu Siilaanyo Sodoga U Yahay Oo Fiintu Dhex-Mirayso + Xilka Qaadis La Maleegayo Iyo Waxaa Laysku Hayo
January 12, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Maalmahii Ugu Dambeeyay Waxaa Soo If Baxayay Qaylo Ka Soo Yeedhaysa Wiilka Uu Madaxwayne Siiraanyo Sodoga U Yahay Ee Ah Safiirka Imaaraadka Carabta Kaas Oo Ka Cabanayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Waxaana Khilaafkoodu Ka Bilaabmay Ka Dib Markii Uu Soo Qaatay Waa Safiirka Sodoga Loo Yahaye Mashruuca Saldhiga Milatari Lagaga Dhigayo Barbara.

Waxaana Arrintaa Waji Gabax Ka Muujiyay Sacad Cali Shirre  Oo Diiday In Uu Saxeexo Saldhigaas Milatari.

Dhinaca Kale Waxaa Sii Xoogaysanaya Wararka Sheegaya In Xil Ka Qaadis Loo Maleegayo Sacad Ka Dib Markii Uu Hor Istaagay Howsha Ay Wataan Qayska Madaxtooyadda Somaliland Oo Xiliga Muddo Xiloodkiidii Wax Yara Ka Hadhay,

Waana Ta Keenaysa Sidda Xogahu Tibaaxayaan In Haddii Uu Wasiir Sacad Mashruucan Qalinka Ku Duugi Waayo Laga Qaado Xilka Oo Loo Dhiibo Mid Mudeeca  U Noqda Maalmaha Hadhsan Ugu Faa,Ideeya Qoska Siiraanyo Waxii Mashaariic Ah Ee Ay Wataan.

Safiirka Ayaa Heshiis Hoose La Galay Imaaraat Carabta Waxaanu U Balan Qaaday In Uu Dhamaynayo Sidii Saldhiga Milatari Ay Ugu Yeelan-Lahaayeen Magaalo Xeebeedka Barbara.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News