Hangoolnews.com
Trump oo laamaha sirdoonka ku eedeeyay “sir dusin oo been ah”
January 12, 2017 - Written by Hangool News

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa laamaha sirdoonka ku eedeeyay dusinta eedo ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen.

“Taasi waxay ahayd midii Nasigii Jarmalka uu sameeyay,” ayuu yiri.

Wuxuu ka hadlaayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.

Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.

Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.

Donald Trump ayaa sidoo kale xilligaas sheegay inuu markii ugu horeysay aqbalay in Ruushka uu u dhacay qalabka doorashada Mareykanka, arrintaasna ay dhacday xilligii ololaha doorashada.

Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ee ugu horeeyay Trump, wuxuu ku xaqiijiyay in ganacsigiisa uu ku wareejinayo labadiisa wiil.

Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.

Putin iyo Trump sawiradooda oo bac la geliyayLahaanshaha sawirkaAP

Image captionPutin iyo Trump is isweydaarsaday hadallo qabow

Trump ayaa sheegay in macluumaadka “ay ahayd inaanan weligood la qorin ama aan weligood la shaacin”.

“Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, “dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad”.

Asigoo ka jawaabayay, afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, wuxuu sheegay “Waa marin habaabinta qofkastaa, oo heer kastaa ah, in su’aal la geliyo daacadnimada iyo ujeedooyiinka geesiyada ka mid ka ah laamaha sirdoonka dalka”.

Trump ayaa CNN ku tilmaamay “meel qashin” wuxuuna ku eedeeyay “inay warar ay iska sameysanayaan”.

Wuxuu diiday inuu su’aal ka dhageysto weriyaha CNN ee ku sugnaa shirka jaraa’id. Balse CNN waxay difaacday daabacidda wararka eeda ee Trump ku saabsanaa.

Donald TrumpLahaanshaha sawirkaAP

Image captionMr Trump wuxuu sheegay in eedahaas ay “ahayd inaan weligood la shaacin”

Sidey arrintan ku soo shaacbaxday

Eeda ayaa dhowaanahan dhex wareegeysay warbaahinta iyo masraxyada siyaasadda.

Vladimir PutinLahaanshaha sawirkaAP

Image caption“Haddii Putin uu ka helay Trump, waxaan u arkaa inay tahay arrin qiimo leh,” ayuu yiri Trump.

BBC waxay heshay cadeyn ah in arrintan lagu saleeyay waxyaabo la siiyay urur madaxbannaan si Trump ay uga soo horjeestaan. Waxaana waday qof horey uga mid ahaan jiray sirdoonka Mi6 ee Britain, Christopher Steele.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in CIA ay cadeymaha u tixraacday sida kuwa “sax ah”. Ujeedada laga lahaa ayaa ah in Trump laga weeciyo musharraxnimadiisa, sida wararka ay sheegayaan.

BBC waxay macluumaadka heshay bishii October, laakiin si madax bannaan xilligaas looma cadeyn karin.

Arrimo aan sax ahayn oo ka mid ahaa macluumaadkana waala ogaaday.

Sikastaba, dadka horey ugu shaqeeyay sirdoonka Britain, laamaha sirta ee Mareykanka waxay u arkaan dad lagu kalsoonaan karo.

source bbc

COMMENTS
Latest News