Hangoolnews.com
Maayarka Gabiley Oo Ka Dayriyay Nolosha 30 Kun Oo Qoys Oo Abaaraha Ku Soo Barakacay Soona Gaadhay Gobolkiisa + Sawirka Iyo Xaalada Murugada Badan Ee Soo Food Saartay
January 12, 2017 - Written by Hangool News

Gabiley (Hangoolnews.com)- Maayarka Degmada Gabiley Mr. Maxamed Aamin Cabdi Cumar, ayaa sheegay in  soddon kun oo qoys oo ka soo barakacay abaaraha baahsan ee ka jira guud ahaan dalka Somaliland ay u hayaameen deegaannada gobolka Gebilay, kuwaasi oo xaaladooda nololeed ay sii xumaanayso maalinba maalinta ka dambaysa.

Wariye Khadar Maxamed Xaashi oo ka tirsan wargeyska Dawan, ayaa warbixin ka diyaariyay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkaasi hayaanka ku jooga gobolka Gabiley, waxaanu socdaal ku soo maray deegaanno badan oo ka tirsan gobolkaasi isaga oo u kuur-gelayay xaaladda adag ee haysata dadkaasi lagu qadaray soddonka kun ee qoys.

“Dadka illaa imika na soo gaadhay ee soo guurtada ahi waa soddon kun oo qoys, haddii ay xaaladu sidan ku sii socotana waa ay ka siidaraysaa uun, muddo imika laga joogo laba bilood ayay quwada dadku bilaabantay, dadkana waanu soo dhaweynay oo waanu gacan qabaney”, ayuu yidhi Maayarka magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cabdi Cumar  oo aan xafiiskiisa ku booqday.

Maayarku waxa uu sheegay in xaaladda nololeed ka jirta deegaanadaasi ay tahay mid ka duwan sidii hore, isla markaana ay xaaladdu marayso meel adag, waxaanu yidhi “Xaalada maanta dadku ku sugan yihiin waa xaalad ka duwan tii shalayto, dalagiii beeraha ku yaalay ee dadku la kulmeena intii soo guurtada aheyd iyo intii joogtay ayaa afka saartay, xaaladuna meel adag ayay mareysa oo ay kuba dhaw-dahay in dadkii ay maganta u ahaayeen ee ay u yimaadeen iyo iyagii ay isku duruuf noqdaan, waxaanay noqotay awood ka baxsan inta gobolkani qaadi karo, xukuumaduna kaalin weyn ayay ka geysatay oo qoysas gaadhaya illaa afar kun oo qoys ayaanu raashin u qaybiney, hase ahaate baahida meesha taala iyo awooda dadku waa ay kala badan tahay, maanta dadkaasi soo guurtada ahi xaalad adag ayay ku sugan yihiin, xaaladuna maalinba maalinta ka danbeysa ayay isa soo tareysaa, ilaa raxmaadka Alle yimaadana xaaladani mid jabaysa maaha”

Duqa degmada Gabiley Maxamed Amiin wuxuu ugu baaqay bulshada gobolkiisa ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ba in ay ka qayb qaataan dedaalada iyo gurmadka lagu samato-bixinayo dadka walaalahood ah ee abaaraysan isla markaana aanu gurmadkoodu kala go’in int Illaahay abaarta inaga soo furanayo, waxaa uu yidhi “bulshada Somaliland gabi ahaanba waxaan ugu baaqayaa in dadkan soo guurtada ah noloshoodii meel halisa ayay mareysaaye in loo soo gurmado, maalinba maalinta ka danbeysana qaar cusub ayaa imanaya oo aan aheyn kuwii hore, reer Gabilay dadaalkii ay wadeen inay halkiisii ka sii wadaan gudo iyo dibadba oo aan dadkan la dhayalsan ee deg deg loogu soo gurmado,  Ilaahay uun baa abaarta inaga soo furan kara ee ducada iyo Alle bariga aynu ku celcelino, haddii ay sidan ku sii socotana khatar baaba iman karta oo ay dadkii deegaanka iyo soo guurtadii isku duruuf noqdaan”

Mudane Maxamed Amiin waxa uu baaq dheer u diray guddida abaaraha ee heer qaran isaga oo ugu baaqay in riigag deg dega lala soo gaadho gobolkaasi oo imika biyihiisu gabaabsi ku jiraan, waxaanu yidhi “Gufdida heer qaran ee gurmadka abaaraha waxaan ugu baaqaya, dadkani waa dad baahi ka keentay meeshi ay deegaanka u ahaayeen, waxaanay yimaadeen goob aanay cimiladeeda iyo caradeeda toona garaneyn ee si gaara hoos ha loogu soo eego, waxay dadku ku asturnaayeen roobabkii yaraa ee da’ay oo baliyada biyo galiyay, dhaamamkii dadku ay ka cabayeena imika waaba gabaabsi, markaa Geed-balaadh oo ay dadku ka cabi jireen imika isaga laf ahaantiisu waa uu biyo yar yahay, deegaanka Botor oo kale iyagana sidoo kale ceelashu waa ay biyo yareeyeen ee waa in riigag deg dega lala soo gaadho waayo biyuhu waa laf dhabarta koobaad”

Maayarku waxa uu ka codsaday wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo caafimaadka inay shaqaale dheeraad ah u soo diraan gobolka Gabiley iyo deegaanada hoos yimaada, maadaama maalinba maalinta ka danbeysa ay dadku iska soo daba dhacayaan, culeys intii hore ka badanina uu fuuley gobolka, isaga oo arintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Labada wasaaradood ee caafimaadka iyo xanaanada xoolaha waxaan ugu baaqaya, kolay meel kasta oo abaari ka dhacdo oo gaajo timaado, xanuuna lama waayo hadii ay dadka tahay, iyo hadii ay duunyada  tahayba, markaa tiimaamka shaqaynayay ee gobolka Gabilay loo soo diray waxaanu leenahay hala kordhiyo dadaalkana intan ha laga sii libin laabo, xoolihiina waa ay dhimanayaan oo ama gaajo ayay u dhimanayaan ama xanuun ayay u dhimanayaan, anaguna waxaanu ku hawlahanahay sidii loo aasi lahaa bakhtiga xoolaha, sidoo kale xanuunka sanbabka oo lagu sheegay deegaano waqooyiga ka xiga Gabilay waxaanu u dirnay tiimaam hadana wasaarada waxaanu leenahay, labada wasaaradood ba inay fiiro gaar ah u yeeshan dadkan soo guurtada ah, inta Ilaahay xaaladan inaga saarayo”

Intii aan ku guda jiray safarkeygan aad ku raad koobayay xogogaal u noqoshada xaalada ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada ee gobolada galbeed Somaliland, waxa ugu badan ee ay indhahaygu qabanayeen waxay ahaayeen  bakhtiga xoolaha oo tuulan goob kasta, iyo xoolo awood darro u socon waayay oo cidla lagaga dhaqaajiyay iyaga oo nool, waxaana wakhtigan gabi ahaan ba gabaabsi ku jira baadka iyo biyaha.

Dadka ku tabaaloobay abaarta ee u hayaamay deegaanada hoos yimaada gobolka Gabilay ayaan la dhex-maray makarafoonka, kuwaasi oo dhamaantood ka dayriyay xaaladdooda nololeed, waxaanay sheegeen in sababta ay xoolahoodu badi u leedeen ay tahay qabawga daran ee meesha ka jira iyo nafaqo la’aan heysa xoolaha, walaw uu jiro xanuun ku dhacay xoolaha badhkood, xanuunkaasi oo ay ku sheegeen in uu yahay Furuq.

Dadkani waxa ay gabi ahaan ba ka aradan yihiin baahiyaha aasaasiga ah ee udub dhexaadka u ah nolosha Aadaamaha, sida biyaha, cuntada iyo huga. mana heystaan hoy ay seexdaan ama ay ka gabood sadaan dhaxanta iyo cadceeda, dadkaasi oo u badan caruur iyo waayeel, intooda badanina waxay ahaayeen qaar ardaa jiif.

Jaamac Yuusuf Maxamed Cabdi oo ka mida dadka soo guurtida ah ee ka yimid deegaanka Duruqsi ee gobolkaTogdheer oo aan kula kulmey deegaanka Botor oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kalabeydh ayaa si weyn uga dayriyay xaalada nololeed ee  ay wakhtigan ku sugan yihiin, waxaanu yidhi “Adhiga aan watay waxa uu ahaa laba tiro iyo sodon neef, xoolaha dhintayna waxaa ay gaadhayaan 80-neef, udubkii ugu danbeeyay ee soo guurey ayaanu aheyn, mudo labaatan cisho ahna waan daganahay, dabka aanu anagu shidaneyno waxaa  nagaga daran kan aanu xoolaha u shidayno, wax aanu ka galino markii aanu weynay, waayo meesha baraf baa ka dhaca oo shirikaamada biyuhu kama soo dhacaan, waxaanu dawlada Somaliland ka codsaneynaa in  wixii ay nagu tari karto ay nagu tarto hadii ay tahay bustayaal, baco, hu iyo wax aanu cunaba”

Xaliimo Cabdi Xuseen oo iyaduna ka mid ah dadka hayaanka ah oo ku sugnayd deegaanka Botor kana soo guurtay deegaanka Gudubi, ayaa waxa ay xustay deeqaha ay bixinayaan gudida abaaruhu inaanay waxba ka soo gaadhin, waxaanay tidhi “Deeqaha ay qaybinayaan gudida abaaruhu anaga waxba nagamey soo gaadhin, beeshayada halkan taala, hoy aanu dhaxanta ka galno ma sidano, waayo gaadiidka aanu wadanay oo jilicsanaa dartii, xoolihii aanu dhaqaneynay waadiga arkaya, Rabbi baa awalba wax siin jiray, imikana wax siin doona, abaarta dhacdayna Illaahay uun baa naga gargaari kara, tii aanu ka soo guurnayna abaar uun baanu uga soo guurnay, tana abaar uun baanu ugu nimid, xoolahayagana waxaa
laayay waa abaar iyo nafaqo la’aan”







Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

Xigasho:- Wargeyska Dawan

COMMENTS
Latest News