Hangoolnews.com
Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees Qaybtii 27 aad.
January 11, 2017 - Written by Jumcale Gurey

Waqtigii ay socotay fadeexaddii gabadhii tababarka ku qaadanaysay Aqalka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka, Maria Lewinsky ee lagu eedeeyey inuu fara-xummeeyey Madaxweynihii Maraykanka ee Bill Clinton, ayaa Madaxweyne Cigaal kaftan ku soo qaaday shirkii Golaha Wasiirrada oo yidhi; “Aniga oo u dhaarsan Joornaalka Jamhuuriya ayaan furaa TV-iiga ee CNN-ta, markaas ayaan arkaa isaga oo ka faaloonaya alaabadii Madaxweyne Clinton, markaas ayaan candhoofadayda dib u laqaa oo arkaa rag waxa haysta.” Waqtigaas Joornaalka Jamhuuriya ayuunbaa dalka ka soo bixi jiray. Xukuumadda Marxuun Cigaal ugama dulqaad badnayn saxaafadda xukuumadihii ka dambeeyey, haseyeeshee laba dhacdo oo xilligaas dhacay ayaa soo jiitay indhaha dadka xiiseeya Arrimaha Somaliland:

 

  1. Madbacaddii NPP ee uu lahaa Marxuun Maxamed Cabdi Shidde Aabbihii asaasihii saxaafadda madaxabannaan ee cusub ee Somaliland oo iyadu lahayd Joornaalka Jamhuuriya, ayaa waxay bakhaar kaga jirtay daarta timacadde ee dawladdu leedahay oo madbacaddu u tiilay.

 

Siday u dhacdayba xukuumaddii ayaa soo iibsatay madbacad, deeto ku amartay NPP iyo Jamhuuriya inay uga guuraan bakhaarka; waqtigaas oo Jamhuuriya mucaaradad weyn ku haysay xukuumadda Marxuun Cigaal. Dacwad ayaa bilaabantay la isla galay Maxkamadda, iyada NPP iyo Jamhuuriya ku andacoonayaan inay heshiis ku kiraysteen bakhaarka.

 

Dacwaddii waxay gaadhay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa Guddoomiye ka ahaa Maxkamadda Sare Garsoore Xaashi Muuse oo Jaamacaddaha dalka British-ka wax ku soo bartay, waxa uu dacwaddii u xukumay NPP iyo Jamhuuriya oo waa laga gar helay Xukuumaddi Cigaal.

 

Madaxweyne Marxuun Cigaal ayaa arrintii ka yaabay oo erayo cadho ihi ka dhaceen. Marka Guddoomiyahii Maxkamadda Sare hadalkii Marxuun Cigaal loo sheegay ayuu ka cadhooday, isna oo istiqaaladiisii soo gudbiyey. Ergooyo badan oo loo dirayna waa ku gacan-saydhay, waxana uu ku noqday dalka Birtish-ka oo uu hore u deggenaa. Hooyadii ayaa nin dhashay waxa uu ahaa nin reer Gabiilay ah. Gaadaashii may dhicin garsoore dacwad weli ka xukumay xukuumadihii Somaliland ee kala danbeeyey .

 

  1. Xukuumaddii Marxuun Cigaal ayaa mashruuc sharci oo ku saabsan saxaafadda u gudbisay Golaha Wakiiladda. Golahii oo uu Marxuum Qaybe iyo Oday Cilmi iyo Cabdulqaadir Jirde ka yihiin Shirguddoonka ayaa ku soo celiyey xukuumadda mashruuci sharci.

 

Markii Golahii oo si aqlebiyad leh isku raacay in la celiyo, maadaama uu cabudhinayey saxaafadda sida ay u arkeen. Xukuumaddii Marxuun Cigaal kama didin arrintii ee waxay u saaratay guddi dib-u-habaysa mashruuca sharci oo ay ku jiraan suxufiyiin iyo xubno ka mid ah Bulshada Rayidka ihi . Guddigaasi nuqulkii ay soo gudbiyeen ayaa Golihii Wakiilladu ansixiyey oo noqday Xeerka Saxaafadda. Halkan waxa ka muuqatay Gole gudanaya waajibkiisa. Dib uma dhicin mashruuc sharci oo uu Golaha Wakiilladu ku soo celeyo xukuumadihii Somaliland ee kala dembeeyey.

 

 

 

  1. Akhristaw labada ifafaale waxay muujinayeen sida ay u kala madax bannaan yihiin Waaxaha Qaranku, haddii lagu dedaalo oo mid weliba kaalinta ay qaranka kaga jirto ay qabsan karto.

 

  1. Bal aan dheehanno arrimahaaas la isku qabto waxa uu ka leeyahay Dastuurka Somaliland.

 

 

 

Qodabka 23aad ee Dastuurka Somaliland

 

 

 

Xaqa nolosha, nabadgelyenta jidhka, xurmaynta magic samida iyo dambiyada laga galo xuquuqda aadamiga.

 

 

 

Farqadiisa 3- Qof kasta wuxu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa ,sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

 

 

 

Qodabka 31aad ee Dastuurka Somaliland

 

 

 

Farqadiisa 3- Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyadda asaasiga ah ee ra’yi dhiibashada waxay leeyihiin madax banaanidooda; way reeban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodna xeer baa nidaaminaya.

 

Farqadiisa 3- Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyadda asaasiga ah ee ra’yi dhiibashada waxay leeyihiin madax banaanidooda; way reeban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodna xeer baa nidaaminaya.

 

 

 

Haddaba, sida labdaas arrimood ee uu tilmaamay Dastuurku la isu waafajinayo, ayaa muran ka joogaa. Waxa jirtay waqtigii aan dugsiyada dhexe ku jirnay da’daydu, xisaabta waxa dhigi jiray macallimiin Hindi ah. Soomaalida mid iyo dhif ayaa u badheedhi jiray.

 

 

 

 

 

Waxa la sheegay in macallin habeenkii saxaya imtixaankii xisaabta uu hal su’aal ah ka shaqayn kari waayey, haseyeeshee uu buuggii casharka uu ka dhigayey ka helay jawaabtii su’aashaas. Waxa fasalka ku jira wiil cabdi yar la yidhaahdo oo xariif ah oo su’aalo badan. Cabdi yare su’aashii xisaabta ahayd waa qalday maalintaas. Macallinkii ma garanayo sida looga shaqeeyo ee Cabdi Yare uu ku qancin doono. Habeebkii oo dhan ayuu yidhaahdaa maxa muran berri ka jooga fasalka, sawkan Cabdi yarena qalday. Hadda labada qodob ee dastuurka maxaa muran ka joogaa. Dalalka horomaray kuma xidhaan Joornaalada iyo suxufiyiinta aflagaado. Waxa laga qaadaa xaal (libel) dhabar jab ah, taas oo kicisa Joornaalada oo shadaafta u laabta oo ay, sidaas darteed iska ilaashaan wax aflagaado ah inay ku kacaan. Xadhigga Joornalada iyo suxufiyiintu dalka iyo madaxdeeda ayuun buu ceeb ka badan tii lagu aflagaadeeyey u soo jiidaa.

 

Madaxweynaha Faransiiska ee hadda Mudane Hollande ayaa dhowaan laga baahiyey sawirro isaga oo gabadh fannaanad ah oo uu xidhiidh ka dhexeeyo goor habeennimo mooto ugu dusaya oo qasrigii Madaxtooyada isaga baxay (Jacaylku Kululaa). Markii ay gabadhii dacwaysay Joornaalkii sawirka baahiyey, waxa looga qaaday dhawr boqol oo kun oo doolar oo xaal ah (Libel). War boowe xaalkii aan kala qaadan jirnay marka la isu gafo. ma ku noqonaa? oo ma cilmiyeynaa? waa taas uun Dawladnimadu wax kale ma ahee! Bal adba!!!

COMMENTS
Latest News