Hangoolnews.com
Dag Dag:- Ganacsato Ku Baaqday In Aanay Isticmaali Doonin Lacagta Somaliland + Baaq ay U Direen Shacabka Iyo Xukumadda Waddankan
January 11, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Qaarka Mida Ganacsatadda Wax Ku Iibiya Suuqa Ugu Wayn Magaaladda  Hargaysa Ee

Waaheen Ayaa Sheegay In Ay Joojin Doonaan Isticmaalka  Lacagta Somaliland,

Waxaanay Sabab Ugu Dhigeen In Uu Hoos U Dhacay Shilinkii Waddanka Iyo In Xukumaddu Wax Ka Qaban Wayday Waxaanay Ku Hanjabeen In Aanay Qaadan Doonin Lacagta Dalka. Ganacsatadda Hadalkani Ka Soo Yeedhay Ayaa Ah Ganacsatadda Inta Badan Samaynta Ku Leh Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Badeecaddaha Kala Duwan.

Waxaana Halis Keeni Karta Haddii Arrinka Wax Laga Qaban Waayo In Uu Hirgalo Dhawaaqani ,

Bilihii Ugu Dambeeyay Ayaa Waxaa Laga War-Warsanaa Kor U Kaca Ku Yimid Lacaha Qalaad Iyo Hoos U Dhac Uu La Kowsatay Lacagta Somaliland.

Ma Jirto Cid Ka Hadashay Oo Xukumadda Somaliland Ah.

Waxaanay Ugu Baaqeen Xukumadda In Arrinka Wax Laga Qabto, Halka Shacabkana Ay U Sheegeen In Aanay Iyaga La Eersan Hadhow.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News