Hangoolnews.com
Aqoonsi La Siinayo 88 Malyuun Oo Lo’ Ah!
January 11, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa(Hangoolnews.com)-  Dawladda Hindiya  ayaa soo saartay waraaqaha aqoonsiga oo la siinayo 88 malyuun oo Lo’ ah,  oo ku nool dalkaasi.

Xukuumadda Hindiya waxay  sheegtay in  mashruucan  ay u samaynayso waraaqaha aqoonsiga  ay ka qayb qaadan doonaan 100 kun oo qof . Ujeedada Mashruucan  ayaa lagu sheegay ilaalinta xanaanada iyo cafimaadka lo’da.

Waxa kale oo mashruucan  lagu doonayaa  in  si dhab ah loo ogaado tirade  Lo’da ku nool  dalka iyo waliba wax soo saarkeeda.

Iyadoo dhinaca kale-na  la sheegay in sababo qarsoon oo kale ay jiraan oo ah in aanay Lo’du ka dabar gu’in dalkaasi maadaama  badi dadka bhinduusk  caabudaan,  taasi oo haddii ay waayaan ama ay  yaraato Lo’du  ay dhibaato imanayso.

 

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

COMMENTS
Latest News