Hangoolnews.com
Deg Deg:- Akhriso Magacyada Wiilal Ay Al Shabaab Dil Ku Fulisay Kuna Eedeysay Inay Isu Galmoodeen
January 10, 2017 - Written by Hangool

Bu,aale(Hangoolnews.com) Xarakada al shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogatay saddex wiil oo ay ku soo eedeeyeen inay isu galmoodeen.

Dilka wiilalkan lagu fuliyay ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Bu’aale ee xarunta gobolka jubada dhexe.

Laba wiil oo lagu kala magacaabo Isxaaq Abshirow oo 20-sano jira iyo Cabdirisaaq Sheekh Cali oo 15-sano jira ayay maxkamadu sheegtay danbi ah inay galmo isugu tageen, sidaas darteedna dil lagu xukumay, iyada oo intaas ka dibna dil toogasho ah lagu fuliyay.

Sidoo kale waxaa isagana goobta lagu toogtay Siciid Maxamed Cali ayaa isagana maxkamadu sheegtay in  lagu helay danbi basaasnimo ah, kaasi oo ay tababareen ciidamada Itoobiya.

 

Waa markii ugu horeysay ee rag loo heysto inay galmo isugu tageen dilkooda laga fuliyo goob fagaare ah, intii xoogaga Al-shabaab ay ka talinayeen goobo ka mida Soomaaliya.

Hangoolnews.com

Hangoolnews.@gmail.com

Bu’aale/Office

COMMENTS
Latest News