Hangoolnews.com
Ma Bandhig-Faneed Mise Baadhi!
January 9, 2017 - Written by Jumcale Gurey

Bandhig-faneedadu waa goobo la isku dhaafsado Cilmi iyo Caqli,ha ahaato Goob Dhigane loogu wan qalayo,mid Suugaan dhaadhi lagu waraysanayo,iyo mid arimaah dhaqan-dhaqaale lagu lafa gurayo.
Hargeysa oo ahayd Hoyga Fanka lagu ma jeerto,ayaad wali moodaa in calankii Fanka oo basanbaasay ka dul haawanayo.

Dhawrkii sano ee u danbeeyay waxa dhalinta reer soomaalind boodhka ka jafeen dibna u soo nooleeyeen Bandhigyada Fanka,waxa curtay dhalin badan oo isku taagtay inay Oog Akhris iyo Qoraal ka shidaan Bulshada laga beeray, saa hadii intaa lagu jalbeebo bulshada, ma jirto meel ilbaxnimo loogu irkado,waana diirimaad iyo alloog lagu yara ilaabi karo mugdiga iyo dhaxanta haysa maanta dhaqanka soomaliyeed,dhalintaasi
waxay mudanyihiin mahad iyo bogaadin.
Gobal kasta waxa ka jira naadiyo Akhris iyo Qoraal,qaabkay doonaan ha u dhisnaadaane,waxayna si sitimaanle ah ama sanadle ah u tabaabusheeyaan Barnaamijyo Bulshada lagu dhayo.

Waxaan shan sano ka hor ka mid noqday dhalinta lagu soo shukaamiyay Bandhigyada Fanka,waana meelaha Fikirka iyo dareenka Bulshad saameeya.
Labadii sano ee u danbeeyay Bandhigyadii way ogoomoobeen waxayna martiyeen duul dhaqan diirato ah oo aan Ehelkoodii ahayn,duulkani waxay isku darsadeen maan gaabni iyo inay meesha u kala garan waayaan Baadhi iyo Bandhig caqliga lagu nafaqeeyo, waxa caalamad u ahayd Bandhigyada Fanka Tiro Jamaahiir ah oo qofba meel u daadumay,saa jeerka ay goobta Bandhiga imaadaan ninkasta waxa uu gosha ku wataa Buug iyo qalin,intaanu bilaabmin Barnaamijku,waxa is haawaala waraysta dhalinta uu dareenku kulmiyay,waxaanad mar qudha ka gayoonayn sheekadaas la wadaagayo,waligoodna laba indhood dhexdood kumay kulmin,haa dadkan waxa kulmiyay maaha dufan meesha lagu hayo,mana aha gaaf foodlayda maryahooga lagu daawanayo ee Goob caqliyadu isku uur baadhaan ayaa kulmisay.

Bal hada ileeg duulkan aduu,waxa uu meelahaas ka maqlayaa Caawa Abwaan Weedhsame ayaa meel halkeer ah imanaya,saa wakaa dhawr Tikidh meeleeyay,wakaa waacay mid ay saaxiib yihiin,DHALAM DHALAM!…hello war hebal caawa Bandhigbaa la igu invate gareeyee Suudhkii ma kaa helayaa….
May saaxiib kii Dhakaa iga qaatay oo isna lahaa meelbaan aadayaa. Wakaa ku talamay inuu iskaba joogo,saa markii danbe waxbuu isku jab-jabay.
Waakaa sii kaxeeyay Afar wiil oo ay saaxiib yihiin oo aan hawadanba ku mudnayn,ha ilaabin qolo xaawalay ahna wuu balansadee,ma moodaa qolyihii barnaamijka watay.
Wakaa madashii la,imid ,waxa meesha wada joogaa waa noociisaas oo miidhan,maryaha ay xidhan yihiin waa Toobal-caaro,waa kuwaas cabaar Hotelkii dhexdiisii inatay sidii shinida isku shoomeen, khashaafad ay wateen WASHTAAS ay hasyso.midkood hadaad waydiiso caawa madasha maxaa ka jira,waxa uu kugu jawaabayaa walaahi Garan maaye mid yar oo aan ku wareego ayaa soo post garaysay WAA INOO CAAWA IYO MEEL HEBLAAYO,mid abwaan ahna Sawirkiisana way soo dhigtay.Barnaamijkii bilaabmay,waa kuwaa gudihii isku wada shubay,Afar Afar inta loo fadhiistay waa kuwaa hadana Khashaafadii ay wateen washta iskaga saaray,isla markiiba waaka midkastaa soo dhigay meel baastii Fool-Buugii,markay intaa faleen,ayay saxmad ka bilaabeen madashiii,bal kaalayoo aamusii,saa waxay ku tiraabayaan “Heblaayaa Like saartay,iyo Hebelbaaan ku xumeeyay.

Waa kuwaa intay meeshii qaseeen, Barnaamijkii oo dhexda maraya soo wada huleeleen,Afartii wax dhagaysanaysana ka jiidheen.

Bal wakaase Ilmaadeerayaa caqliyadaas ila eeg,Bilaacalayk ma saasaynu rabnnaa in aynu ku noqona cagihii wadankani ku istaagi lahaaa.

INTUU MAANKU GAAAJAYSANYAHAY GUULI WAA WALI!

 

Faysal Abdi Maxamed

faizal cabdi <hirebarud@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News