Hangoolnews.com
Warbixin:-Dajinta Qolka Labiska, Ku Guuleysigii Koobabka Iyo Todobo Waxyaabood Oo Sabab U Ah Guulaha Zidane Ee Madrid,
January 8, 2017 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-lugtii koowaad ee tartanka Champions League wareegiisa 16, tani iyo kulankaasina, Real Madrid lama aysan kulmin wax guuldaro ah waxaana u dheer iney shalay barbareeyeen rikoorkii guuldaro la’aanta ee ay dhigtay kooxda macalin Luis Enrique ee Barcelona, hadaba waa maxay furaha guushaas ? waxana warbixintaan ku eegeenaa todobo waxyaabood oo sabab u ahaa.

1. Nabadeynta Qolka Labiska

Min maalintii koowaad ee uu xilka Madrid la wareegay Zidane, qolka labiska Los Blancos ayaa laga dareemay xasilooni, ma jirin isku dhacyo waa weyn oo laga soo tabinayay qolka labiska kooxdiisa, xitaa ganaaxii FIFA ay ku soo rogtay ayaana sameyn xun ku yeelan qolka labiska kooxdaasi.

2. Ku Guuleysiga Koobabka

Zidane celebrates with the trophy after winning the UEFA Champions League in Milan.

Zidane ayaa keenay  Santiago Bernabéu sadex kamid ah afartii koob ee suurogalka aheyd markii uu xilka kooxdaasi qabanay, wuxuu ku guuleystay Champìons League, koobka European Super Cup iyo koobka kooxaha aduunka ee Fifa’s Club World Cup taas ayaana keentay inuu helo xushmad weyn.

3. Inuu Isku Hayay Kooxda Waqtiyadii Xumaa

Afar barbaro oo xiriir ah oo ay galeen bilowgii xili ciyaareedkaan (Villarreal, Las Palmas, Dortmund iyo Eibar) ayaana wax weyn loga arkin qolka labiska kooxda iyo maamulka sareba, waxa ugu muhiimsana waxay aheyd isku xirnaanasha guud ee kooxda waxayna abaarta guul la’aantaas kaga bexeen 1-6 ay iyagoo marti ah ku soo xasuuqeen Betis kulan ka dhacay Villamarín waxayna ku soo laabteen wadada guulaha.

4. Maamulka Kooxda.

Sida aad ka filan karto koox wadata cadaadiska Real Madrid, ku hubeysan qaar kamid ah xidigaha ugu fiican aduunka iyo qaar kamid ah kuwa ugu mushaarka badan dunida, inaad u maamusho si saameyn leh xisaabtana aad ku darsato qorshe ciyaareedka dhaw iyo kan dheer,  farxad galinta xidigihii heli jiray waqti ciyaareed yar, waa wax mararka qaar dhibaato weyn ku ah macalimiinta ugu fiican aduunka laakin Zizu oo aan laheyn khibrad tababar oo tan ka horeysay, waxay u noqtay arin aad u caawiya, tusaalaha ugu weyn ee ilaa haatan la bixin karo in Kovacic, Isco, Nacho, Lucas Vázquez, Morata, Asensio iyo James ay dhamaan heleen waqti ciyaareed ku filan.

5. Horumarinta La Macaamilka Kubadaha Sare.

Sergio Ramos does it again. This time in the European Super Cup.

Zidane iyo shaqaalihiisa tababarka ayaa kooxdiisa ka dhisay la macaamilista kubadaha sare,  Sergio Ramos ayaa aad loogu amaanay dhibaatadii uu madaxa ugu geystay kooxaha Deportivo, Camp Nou iyo finalki Super Cup laakin Varane ayaa isna shabaqa ku soo taabtay madax, Madrid ayaa laga dhaliyay kaliya labo madax ilaa haatan, waana kooxda dhalisay goolasha ugu badan ee madaxa ah ee La Liga (8 gool).

6. Isku Xirka Daafaca

Kaliya Villarreal ayaa ah kooxda kaliya ee ka daafacasho fiicneyd Real Madrid dhamaan kooxaha la Liga waxaana laga dhaliyay kaliya 14 gool oo horyaalka ah xili ciyaareedkaan, laakin daafaca Zidane oo ahaa mid mideysan iskuna xiran ayaana aheyn kuwo daafacasho kaliya ku ekaa ee sidoo kale waxay si buuxdo uga qeyb qaaten howsha guud ee kooxdooda sidoo kalena maqnaashaha Ramos iyo Pepe oo ah labada daafac ee ugu muhiimsan kooxdaasi (kuwa dhexe) ayaana laga tabin kooxdooda waxaana shaqadooda qabsaday Varane, Danilo, Carvajal, Nacho, Marcelo iyo Coentrao, kuwaasoo wadar ahaan dhaliyayna 18 gool sidoo kalena sameeyay 15 caawinaad dhamaan tartamada.

7. Farasamo Shaxeed Kala Duwan

Kooxda  Zidane ee Madrid ayaa u muuqatay kuwo magac weyn oo aan la awoodin in is badal lagu sameeyo, laakin kadib guuldaradii Calderón, macalinkan ayaa garwaaqsaday iney qasab tahay inuu isku dhaandheeyo kooxdiisa si uu u ogaado xidigaha ugu fiican ee kooxdiisa, Isco iyo Lucas Vázquez ayaa labadaba kasoo baxay shaqadooda iyadoo xidiga danbe lagu aaminay kulankiisi ugu weynaa ee waayihiisa nololeed ee finalki Champions league iyo kulankii Camp Nou, sidoo kale khadka dhexe ee ka kooban Modric-Kovacic-Isco ayaa ahaa kuwo si fiican iskula shaqeeyay xiligii ay dhaawacyada heysteen kooxdaasi, sidoo kale kooxda macalin Sampaoli ee Seville ayaa aheyd mid tijaabo adag marsiisay Casemiro, Kroos and Modric oo ay caawinayaan James iyo Asensio waxayna soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

COMMENTS
Latest News