Hangoolnews.com
Real Madrid Vs Barcelona – 39-Kulan Oo Guuldaro La’aan Ah – Isbarbardhig Lagu Sameeyay Rikoor Labada Kooxood
January 8, 2017 - Written by Jumcale Gurey

by Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” | Sunday, Jan 8, 2017

Marnaba shaki ma galin kartid awooda labadaan kooxood. Barcelona ayaan wax guuldaro ah arkin 39-kulan oo xiriir ah intii lagu jiray xili ciyaareedkii 2015-2016 waxeyna aheyd taariikhdii ugu fiicneed waayaha kooxda ka dhisan Catalan, balse sanad kadib Real Madrid ayaa rikoorkaas barbareysay.

Kadib guuldaradii ay kala kulmeen Sevilla October 2015, Barcelona ayaan lumin tan iyo guuldaradii ay kala kulmeen Real Madrid bishii April ee sanadkii dhamaaday halka wuxuuna ahaa kulan El-Clasico ah. Real Madrid ay guuldaro kala kulantay Wolfsburg waana kulankii xigay El-Clasico markaas oo lagu suldaaray 2-0 kulan ka tirsan Champions League-ga tan iyo markaas Los Blancos ma jirin cid garaacda.

Rikoorka Barcelona wuxuu socday kaliya iyadoo lagu jiro hal xili ciyaareed, balse Real Madrid rikoorkeeda wuxuu socdaa laba xili ciyaareed gudahood madama uu soo bilowday dhamaadkii 2015/2016 isla markaana uu socdo ilaa haatan oo la marayo bartamaha 2016/2017.

 

Marka aan dib ugu laabano 39-ka kulan oo aysan wax guuldaro ah arkin Barcelona waxey guul heshay 32-kulan, halka ay 7-barbaro heshay, balse Madrid waxey guul heshay 30-kulan sidoo kalana 9-jeer ayey barbaro la kulantay. Camp Nou kooxda ka dhisan ayaa dhalisay 122-gool, halka Los Blancos ay dhalisay 112-gool marka laga hadlo goolasha laga dhaliyay waxaad moodaa in Barca ay tahay koox xoogan madama laga dhaliyay 23-gool, halka Real Madrid laga dhaliyay 36-gool.

Mudadaas 19-kulan ayaan shabaqeeda gool la taabsiin Barcelona, halka Real Madrid ay shabaqeeda difaacatay 14-jeer oo kaliya, Real Madrid ayaa ku wacan tirada ciyaartoyda goolasha dhalisay madama 22-ka mid ah wiilasha Zidane ay shabaqa taabteen mudadaas halka Barcelona ay kaliya goolal ka heleysay 12-ciyaariyahan.

 

Real Madrid rikoorkeeda wuxuu socdaa 276-maalin iyadoo ay dhici karto iney sii socoto ilaa in ka badan, halka Barcelona rikoorkeeda uu ku ekaa kaliya 186-maalin waxa ugu weyn ee badiyay maalmahana waa iney heleen laba bilood oo aan wax tartan ah la ciyaarin madam lagu mashquulsanaa fasaxa xagaaga iyo tartanka Euro 2016.

Lucas Vazquez ayaa ah ciyaariyahanka ugu badan ee kasoo muuqday kulamada Real Madrid madama uu ciyaaray 32-kulan, halka Barcelona ninka ugu badan ee kulamadaas ciyaaray uu ahaa Ivan Rakitic oo 34-kulan kasoo muuqday.

Intii lagu jiray rikoorkaas Barcelona wiilka ugu goolasha badan wuxuu ahaa Luis Suarez oo mudadaas dhaliyay 37-gool isagoo ku garacay rikoorka Lionel Messi oo 21-gool dhaliyay, dhinaca kalana Cristiano Ronaldo ayaa ah wiilka ugu badan inkastoo uu dhaawac ku seegay kulamadii bilowga xagaagan hadana 26-gool ayuu dhaliyay halka Benzema uu yahay ninka kusoo xiga kaas oo dhaliyay 14-gool oo qura.

 

Kaliya 45.5% goolasha Real Madrid waxey ka yimaadeen BBC (Bale, Benzema iyo Cristiano) halka Barcelona 74.6% goolasheeda ay ka yimaadeen MSN (Messi, Suarez Iyo Neymar).

Los Blancos ayaa rikoorkaan sii dhereysan karta waxeyna laba kulan oo xiriir ah wajahi doontaa Sevilla, lugta labaad ee Copa del Rey oo khamiista ay ciyaari doonto iyo kulankeeda xiga ee La Liga oo ay mar kale u safri doonto Andalusia iyadoo Sevilla la ciyaari doonta, waxaana u xigi doona dhanka La Liga Malaga iyo Real Sociedad oo soo booqan doona Bernabeu iyo Celta Vigo oo marti ay u noqon doonaan.

Ugu dambeyntiina rikoorkaan waa mid weyn oo ah midka ugu weyn Spain, balse Real Madrid waxey heysataa fursad ay ku jabin karto rikoorada Milan 42-kulan, Juventus 43-kulan iyo Arsenal 49-kulan.

 

COMMENTS
Latest News