Hangoolnews.com
Kaftanka Maanta , Tolkaa Ubo Ku Taala , Looguma Taliyo :By Axmed Guruje
January 8, 2017 - Written by Jumcale Gurey

Sheekaba sheeko ayay keentaaye waxa la yidhi , beribaa beel soomaaliyeed oo deegan dhul u dhaxeeya ceelasha oogada iyo dhulka hawdka ayaa safar u diratay magaalada berbera xili jiilaala .

Sidii dhaqanka waagaasi ahaa , beeshaas oo ka koobnayd qoysas aad u tiro badan , qoys waliba wuxuu safarkii ku daray wuxuu islahaa waxbay kuusoo goynayaan si ay ugu soo badashaan dhuuni ay jiilaalka kagga baxaan .Rag iyo dumar intiixoog lahayd ayaana safarkii ka kaxaysay .

Intii safarki maqnaa , beeshuna raashin laadahay , ayaa hawd sarre darooro ka hilaacee, ka dibna waxa laggu soo waramay in Harro doolood roobantahay , war la helyaaba tallo ayaa la helaaye , shir baa la isugu yimi , warkan soo kordhay lagaga arinsado .

Ragii shirka joogay wuxuu u batay , in beeshu raashin laadahay , safarka oo maqan hadii la guurana uu raagayo , sidaa darteed , kol hadii xooluhu aanay gaajo xun qabin , safarka la baxnaaniyo , si aan dadku u saranseermin .

Oday ragii shirka fadhiyay ka mida oo baryahaa wadaadiisa lasoo dhibaadiyay oo shaw dhawr ubo oo subagi guriga u taalo ayaa kacay markaasuu yidhi ;- Waar niman yahow cirka da’ayna waa maqasheen , xiliguna waa jilaal , dhan walbana waa laga soo guurayaa , inta safarku maqan yahay , dadku dhiman maayaane , kol ay midhaystaana waxbay cuniye aynu deegaanta ku guuro ,yaan guryaha la inooga horayne . shirkii waa la isku mari waayay , dabeetona waa laggu kala kacay .

Ninkii odayga ahaa markuu gurigiisii ku noqday , ayay islaantiisii oo loo waramay ku tidhi , hebeloow beeshu ubad yaryar bay leedahay , oo waayeel gaboobay bay leedahay , oo dad xanuusanaya bay leedahay , oo maati jiliicsan bay leedahay , dadkuna sidaada ubooyin subaga ma wada haysto , markaa tolkaa ubo subaga oo guriga kuu taala looguma taliyee , beesha ha jabinin safarku ha u yimaadee .

Imika waa halkaase Xisbigii kulmiye Ubaxa iyo dooga ku yaala , Hoteelada hargaysa ee ay ku sheekaystaan ayuun bay arkeenoo , wuxuun bay lasoo taagan yihiin , doorasho hala qabto .

13 Gobol ee abaarta awgeed lagga hayaamay , caruuraha lagaga guuray cidlada , geediga doonyaha miciinsaday iyo waayaha taaganiba uma muuqdaan .

Dee markaa waxaynu leenahay , adeerayaal hadaa hadh qabow iyo hoteelada qurxoon ku eesh-qaraarteen ,dadku naftii baa haysa , oon iyo gaajo ayaanu uliitaaye , ladnaan keligaaya dal looguma taliyo .

” sidda geed abaareed .

Inta uu gud-gude helay ,

gubad raysku jiifiyo ,

Gurma go’an ku hoos yaal ,

Adigaa gel-gelin iyo ,

Gal-xareed ah jiifoo ,

Maba ogid gu iyo dayr ,

mid la gaadhi doonee .

 

COMMENTS
Latest News