Hangoolnews.com
Fule Xantii Ma Moogana
January 8, 2017 - Written by Jumcale Gurey

Horaa loo yidhi  layligu biyaha calooshiisa ku jira ayuu  ka didaa, xisbiga waddani qorshihiisii ahaa midnimada Somali wayn  uu fashilmay, Somaliland waa  wadan yaroo   hoodaleey ah  waxba lagaga qaadimaayo shir iyo laba  lagu doonayo in lagu wiiqo wada jirka  shacabka iyo in  la marin habaabiyo  umadan, lkn  waxaa inala gudboon  inaynu  yeelano aragti ka fog tan xisbiyada ee soke  oo  aynu la socono  dhaqdhaqaaqyada saraakiisha ugu saraysa xisbiyada  iyo cidwaliba oo mansab ka haysa  qarankan  waxaa jira   siyaasiyiin hore mansab kala duwan uga soo qabatay  dawlada xamar oo hadana  xisbiyada manta ku loolamaya xilka ugu sareeya qaranka ka haysta mansabyo sare oo aanay jirin meelo ay ku cadeeyeen inay kasoo

 

noqdeen fikirkoodii ahaa  in marlabaad lagu biro wixii laysku odhan jiray Somali republic, hadana  bulshada  ka dhexbilaabay kala qaybsanaan iyo in loo sawiro bulshada  sawir qabiil si looga marin habaabiyo wixii ay usoo dhinteen  Aabayasheen, lagana dhigo  halbacaad lagu lisay,  waxaan  leeyahay bulshada reer Somaliland  waar aynu wada ilaashano qarankan  aynu ku haysano  xoriyada oo aynu  dib u xasuusano wixii shalay  inagu dhacay, ilawsho dhawaa  ma umulbaa   ayaan maqli jiray,  shalay ayey ahayd markii  magalooyinkeena laduqaynaayey

COMMENTS
Latest News