Hangoolnews.com
Sababta Ka Dambaysa Qabsoomid La,aanta Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Somaliya U Matalaya Somaliland Oo La Ogaaday.
January 7, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Xiliyo kala duwan ayaa waxa uu dib u dhac ku yimi Qabsoomida Doorashadii aqalka Sare ee Somaliya gaar ahaan Xubnaha matalaayay Belaha kala duwan ee dega Somaliland taasi oo la filaayay in dabayaaqadii bishii 12 aad ee sanadkii dhamaaday ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha keenay dib u dhaca ku ymi dhowrka jeer Doorashadaasi xubnaha aqalka sare ee Somaliya ee matalaayay Gobolada Waqooyi ee Somaliland,

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland Gen Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu ku eedeeyey dib u dhaca doorashada xubnaha aqalka sare in ay faraha kula jiraan xubno ka mid ah dawlada Somaliya iyo sidoo kale gudida heer federal ee doorashooyinka Dalka Somaliya,

Kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay dano gaar ah ka leeyihiin dib u dhaca doorashada xubanaha matalaaya Somaliland oo la filaayay in xiligan gabi ahaanba la so gabo gabeeyo maadama ay kaliya hadhsan yihiin inta xubnood ee matalaysa Somaliland halka Maamulada kale ay soo dhamays tireen doorashada labada aqal ee Dalka Somaliya.

Waxaa is qab qabsi uu ka taagan yahay xubno cusub oo lagu soo daray Musharaxiinta Xubnaha Aqalka sare ee horey u diiwaan galiyeen Guddiga Doorashooyinka, waxaana xubnahaasi gadaal ka riixaya masuuliyiin sare oo katirsan Dowlada

Hangoolnews.com

Muqdisho/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News