Hangoolnews.com
Deg Deg:- Madaxtooyada Somaliland Oo Ay Ku Sii Qul Qulayaan Masuuliyiinta Asxaabta Siyaasada Marka Laga Reebo Muuse Biixi Iyo Dareenada Ku Xeeran
January 7, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa(Hangoolnews.com) :- Masuuliyiinta ugu sar sareysa xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa ku sii qul qulaya aqalka madaxtooyada dalka, kuwaasi oo leysugu yeedhay kulan  balaadhan oo lagaga arinsanayo dib u dhac ku yimid mudada doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Masuuliyiintan kala duwan ee xisbiyada mucaaridka iyo kan xaafidka ahba ayaa la filayaa inay madaxtooyada la gali doonaan wajiyo kala duwan oo ay qaarkoodna ku diidan yihiin muda kordhinta qaarkoodna ku ogol yihiin.

Xogo hoose oo u dhuun-daloola aqalka looga taliyo Somaliland ayaa iftiiminaya in kulankani uu ka cago jiidayo, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka biyo diidsan mudada la kordhinayo  halka dhigiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo Injineer Faysal Cali Waraabe labaduba diyaar u yihiin, in la sameeyo mudo kordhin.

Geesta kale aqalka madaxtooyada iyo golaha wasiirada ayaa ilaa xalay laga dareemayay, dhaq dhaqaaq xoogan oo lagu qancinayo masuuliyiinta asxaabtu inay ogolaadan mudo kordhinta walaw golaha guurtidu iyo gudoonkooda Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa u hanqal taagaya sidii ay mudo kordhin ugu sameyn lahaayeen xukuumada wakhtigeedu dhamaanayo.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

 

COMMENTS
Latest News