Hangoolnews.com
Deg Deg:– Daawo:- Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Oo Ka Warbixiyay Kulankii Ay Wada Qaateen Saddexda Xisbi Iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranku + Natiijada Ka Soo Baxday Iyo Wakhtiga Leysla Qatay In Doorashada La Galo
January 7, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa(Hangoolnews.com)-Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Gaafaadhi ayaa ka warbixiyay kulankii afar geesoodka ahaa ee ay wada galeen saddexda xisbi qaran iyo gudida koomiishanka doorashooyinku

Xasan isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “waxaanu wada kulanay anaga oo saddexda xisbi iyo koomishka doorashooyinka ah, koomiishanka doorashooyinka iyo waxaanay ka warbixiyeen diyaar garowgoodi waxaanay noo sheegeen in maanta ay ka diyaar tahay kaadhadhka qaybintoodi oo labada gobol ee ugu horeeya ay gali doonaan bisha Jenawari 21-keeda laba laba gobollbaana loo galayaa, waxaa kale oo ay noo sheegeen in qorshahoodu sidii uun yahay bisha march 28-keeda inay diyaar u yihiin inay doorashadii qabtaan”

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News