Hangoolnews.com
Deegaan Horumarka Ka Sameeyey Xaga Biyaha W/Qorey Jimcaale Osman
January 7, 2017 - Written by Jumcale Gurey

Hargeysa {hangoolnews} Degmada daarasalaam oo hoos tagta gobolka maroodi jeex,waxaaney u jirtaa 35km  ayaa waxaay ka mid tahay degmooyinka ay hayada Somaliland development found ay  ka fulisey mashaariicda horumarineed hadaba waxaanu socdaal ugu baxney degmada iyo deeganaanada, hoos yimaaada guud ahaan u jeedada mashruucan biyo balaadhinta ee laga waddo guud ahaan jamhuuriyada Somaliland, ayaa ah sidii dadka loo gaadhsiin lahaa biyo  ku filan oo nadiifa

engineer khaalid maxamed  oo ka mid masuuliyiinta mashruucan  ka  socda degmada daarasalaam  oo war bixin naga siiyey ayaa waxaa uu hadaladii sii ka mid ahaa “mashruuca biyo balaadhinta ee laga wado. deegankan waxaa la bilaabey juuley 2015kii   biyo soo saarka ceelasha waxaan degankan ka qodney afar ceel oo aanu mid walba u dhameystirey dhammaan qalabkii uu u baahnaa sida beebabkii ijiinadii xadiga biyaha ee aanu markii horey u qoondeynay inay soo saaraan waxaay ahayd 2500 oo mitir kuyuubik lkn markii ingiinadii lagu rakibey waxaay soo, saareen biyo ka badan biyhii aanu ka fileynay oo gaadhaya isku celcelis ahaan 5000 oo mitir kuyuubik 90 miter beer hanwar, ceelashan jooga ay hoos u qodan yihiin waa 180m oo hoos ah ceelashan si wacan ayey biyaha u soo tuurayaan, 24kii saacba hal saac ayaa la nasiyaa”

Geesta kale dadka deeganka ayaa cabasho ka muujiyey. qaabka ay ceelashu u shaqeeyaan. Waxaana hadaladoodii ay u dhignaayeen sidan “biyuhu wey na soo gaadheen lkn wali sidii loogu talo galey uma isticmaalo wali waxaanu isticmaalaa ceel riig ah oo afar sanno ka hor laga hergaliyey deegaanka ayaanu biyaha imika ka isticmaala

 

dhinac kale xagga caafimaadka ayaa waxaay dadweynuhu ka sheegteen horumar baaladhan oo dhinac caafimadka ah degmadu waxaay leedahay MCH si fiican u shaqeeya. oo laga helo dhamman baahiyaha xaga caafimadka dadweynaha kala duwan ee deeganka ayaa waxaay amaan u soo jeediyeen wasiirka wasaarada caafimadka Somaliland dr saleeban ciise ahmed {xaglatoosiye} oo si hagar la aan ah ugu adeega baayiyaha deegankan,

Gabagabadii dadweynaha ku dhaqan deeganka darasalaam ayaa waxaa ka deyriyeen abaar ba an oo soo food saartey deeganka daarasalaam iyo deegaanada hoos yimaada oo gabi ahaanba ay ka jirto abaar ba an oo saameysay dad. Iyo duunyaba waxaaney qeylo dhaan u  direen madaxweynaha qaranka , iyo guddida abaaraha Somaliland “ waxaanu soo jeedineynaa madaxweynaha qaranka iyo gudida abaaraha inay soo eegaan dhinaca deegankan oo ay abaartu si ba an u saameysay ka hayaameen dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo lala soo gaadho wixii gurmad ah ee loo helo karo”

 

w/qorey jimcaale cismaan muhumed

 

cismanguray@gmail.com

COMMENTS
Latest News