Hangoolnews.com
Dag dag:-Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Berbera Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dashay
January 7, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in shil baabuur oo khasaare sababay uu goor dhawayd ka dhacay jidka wayn ee isku xidhan magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Shilkan baabuur ayaa waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana shilkan ku dhintay Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye Gaadaale halka ay laba qof oo kale oo la socday gaadhigana uu dhaawac soo gaadhay.

Maydka marxuunkan iyo dhaawaca labadan qof ee kale ayaa waxa naloo sheegay in loo qaaday cusbitaalka magaalada Berbera,halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dadkan dhaawacu soo gaadhay.

Shilka baabuurka ayaa sida dad goobta ka dhawaa ay sheegayaan waxa uu yimi ka dib markii uu gaadhigu wadada kala baxay,

mudooyinkii u danbeeyey waxa isa soo tarayay shilalka baabuur kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maalba leh.

 

COMMENTS
Latest News