Hangoolnews.com
Diifta Iyo Daranyada Wehelka U Noqotay Qoys Reer Laas-Caanooda + Qayladhaanta Ka Soo Yeedhaysa
January 6, 2017 - Written by Hangool

Laas-caanood (Hangoolnews.com) Axmed Aadan Bare oo ah wiil dhalinyaro ah oo mudo ka badan 20-sano u jiifa xanuunka booliyada, diif iyo daranyo badanina ay korkiisa ka muuqato , waxaan wiilkani ay deegaan ku yihiin,  deegaanka Wadhaka ee duleedka waqooyi ee magaalada Yagori,noloshoodu waxaa ay ku tiirsaneyd waa xoolaha nool, xoolihiina waxaa ay ka raaceen abaarihii kala danbeeyay ee wadanka ka dhacay.

Hadaba wiilkan dhalinyarada ah oo xaaladiisa nololeed aad u liidato ayaan wakhtigan xaadirka ah heysan wax uu cuno iyo wuxu cabo toona, qoyska uu ka dhashayna waa qoys danyara.

Mowliid Ismaaciil Haragideeg oo ah wariye ka hawl gala gudaha magaalada Laascaanood oo booqday qoyska wiilkani ka xanuusanayo ayaa ka waraysatay xaalada nololeed ee qoyska iyo ta wiilkanba.

Aabo Aadan Bare isaga oo arrimahaasi ka waramayana waxaa uu yidhi “Waxaan lahaan jiray 200 neef waxaanay raaceen abaartii wadanka ka dhacday, waxaa aanu heysanay dameer dameerkiina waa uu bakhtiyay ka dib markii uu waayay wax uu cuno, dhibaatada na heysataana waa mid aad u xanuun badan oo qof kasta oo damiirkiisu nool yahayba uu arkayo, markaa dadka muxsiniinta ah waxaanu ka codsaneynaa in nala soo caawiyo”

Hadaba sidaas oo ay tahay Ilaahay wuxu yidhi markii aad isu naxdaan ayaan ana idiin naxariisanaya, haloo gargaaro qoyskan si inagana ilaahay inoogu gargaaro cidii caawinaysa ee wax ku tareysaanaa hakala xidhiidho telefoonkan gacanta ee hoosta ku qoran

Kala xishiidh:


0634496906

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

 

COMMENTS
Latest News