Hangoolnews.com
Arrin Horseedi Karta Khilaaf Iyo Maamul Xumo Oo Uu Bilaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha + Ogaal La,Aanta Wasiirka Cusub
January 6, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyadda Iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa Bilaabay Nidaam Ku Cusub Dhaqanka Maamul Ee Xukumaddahii Soo Maray Taladda Waddanka Waxaa Heshiis Hoose Oo Lagu Badalayo Isu- Duwaha Ciyaaraha Ee Gobolka Soo La Galay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Boosta Iyo Is-Gaasiinta Faysal Cali Sheekh Waxaana Xogo Hoose Hangoolnews  U Xaqiijiyeen In Agaasimaha Ciyaarahu Maxamed Xuseen Uu Ku Qanciyay Dhigiisa Boosta In Isu-Duwahaas Uu Doonayo In Uu Xilka Ka Qaado Ee Sool Uu U Magacaabo Is-Duwaha Boosaha Ee Sool, Badalkiisa Uu Doonayo In Uu Ka Dhigo Nin Aan Aqoon Badan U Lahayn Dhinaca Ciyaarha Oo Uu Dano Gaara Ka Leeyahay Agaasimaha Ciyaarahu,

Arrinka Agaasimayaashu Xilka Kaga Qaadayaan Isu-Duwayaasha Ayaa Ah Mid Aan Hore U Dhicin.

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ayaan Ogay Howshan Qarsoodiga Ah Ee Uu Waddo Agaasimahiisa Guud.

Lama Garan Karo Danta Labada Agaasime Ugu Jirto In Ay Ku Masquulaan Sidii Xilka Looga Qaadi Lahaa Isu-Duwaha Ciyaaraha Ee Gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaarah Ayaa Wali Si Toosa Ula Socon Arrinkan Waxaanay Keeni Kartaa Haddii Dhabeeye Talaabadan Ku Guulayso In Aan Wasiirku Wax Badan Oo Awoodda Ku Lahay Wasaaradda.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News