Hangoolnews.com
SOMALILAND : Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Iyo Xeebaha oo Tababar Loo Soo Xidhay +Sawiro
January 4, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Munaasibadan loo sameeyay dufcadii afraad ee ka qalinjabisa tababarka sarkaalnimo oo loo bixiyay tawfiiq ayaa lagu qabtay xarunta Tababarka Ciidanka Qaranka ee C/laahi Askar oo ku taala tuulada Dararweyne gobolka Maroodi-jeex, taasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka, Taliyaha Ciidanka Ilaalida Xeebaha, Taliye Xigeenada iyo Hogaanada Ciidamada Qaranka.

Saraakiishan tababarka dhamaystay oo iskugu jiray Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa waxa ugu horayn munaasibadaasi ka hadlay Taliyaha Kuliyada Tababarka ee Dararweyne Gaashaanle Sare Xasan Cabdi Yuusuf iyo Madaxa Hogaanka Tababarka Sareeye Guuto Axmed Cali iyaga oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada tababarka loo qabtay iyo waxyaabaha la baray saraakiishaasi, waxana ay sheegeen in ay qaatee tababar fiican oo wax u taraya naftooda iyo guud ahaanba Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Xirsi ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyay hadalo mahadnaq ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismael Taani oo isaguna ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyay taariikhda Dhismaha Kuliyada Tababarka ee Tuulada Dararweyne, isagoo mahadnaq u diray Saraakiisha Qalinjabisay iyo Macaliminta wax barayay.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isagun soo gabogabeeyay munaasibadaasi isagoo la Dardaarmay ciidamada maanta tababarka dhamaysay.

Gabogabadii munaasibadaasi ayaa halkaasi shahaadooyin iyo abaalmarin lagu gudoonsiiyay Saraakiisha Tababarkaasi dhamaysatay, waxaana intii ay munaasibadaasi socotay qayb ka ahaa Kooxda Fanaaninta Ciidanka Qaranka ee Gaashaan, kuwaasi oo munaasibadaasi ku soo bandhigay Riwaayado iyo Heeso ka turjumaya Shaqada Ciidanka Qaranka.

Daawo Sawirada

 

dsc00047 dsc00048 dsc00049 dsc00050 dsc00045 dsc00046

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News