Hangoolnews.com
Sixirka iyo falka loo qabtay reer Burco iyo somaliland oo la ogaday sixirolayashi sameyey.Q.32-36aad
January 4, 2017 - Written by Hangool

Qaybii 27-31aad waxay innoo joogeen

2dii nin ee is yidhi sixirroolaha dilaa , kii ay

heshiiyeen oo hadda xanuunsan oo keligii  isla

hadlaya oo iska qoslaya iyadoo loo malaynayo inuu

haddana dib u sixray

Qaybta 32aad.
Ninkii 2aad ee isagu iska noqday , saaxiibkii ayaa  uga

sheekeeyey saaxirkii markay heshiiyeen oo ku yidhi

ninkii hebel ee saaxiibkeen ahaa ayaanu wada soconay

oo aanu kusoo tashannay inaanu ku khaarajinno markaa

isagu markii danbe wuu isbeddelay oo wuxuu yidhi anigu

waxba soo dilimaayo , aniguna waanigii kuusoo galay

anigoo maqiiqan , markaa isagaa iigakaa fiican oo wuu ku

badbaadiyay ee iskala heshii isagana  aan kuu keeno

saaxirkii :: maya maya waa  Ey  kaasu  weligay la heshiin

maayo ,adigaa ka wacan , adigu waxaad tahay rageedii .

waxaa lasoo sheegayaa in ninkaas uu dib u sixray oo

hadda aanu geeri iyo nolol midna ahayn .

 

Qaybta 33aad.

 

tanna waa qisa kaloo gaaban , wuxuu ahaa nin

bayacmushtar ah o iska ladanoo rerburco habarjeclo ah

waa uu sixray lacagtiisiina wuu ka dhacay , wuuna

xanunsaday markaa kaddib wuu is daremay inlasixray

oo weliba uu ninkaasi sixray , qoribuu soo qaatay oo

xaruntii sixirroolaha ayuu soo beegsaday ,wuxuu usoo

galay isagoo qolkii fadhiga  la fadhiya dhawr ninoo kale

wixii uu sitay oo aan illaaway qori iyo bastolad kuu ahaa

ayuu  ku qabtay sixirroolihii isagu ku dhufo ayuu isyidhi

lamabuu hadlin , laakiin markuu ku rid isyidhi xabaddii

ayaa qabsatay sida lasoo weriyay , wuu ka tuuray oo

haddana sixirroolihii oo dhulka gelgelimaysanaya

oo naftii isugu timi , ayuu haddana cabbaystay oo is

yidhi madaxa kaga dhufo  wayse kaddibtay dhiciwayday

markaasuu isagoo muraara dillaaca iskaga tegey

waxaa noogu wardanbaysay ninkaasi isagoo aad

usii xanuunsaday oo hammaddiina laga qaaday

oo marba meel dabiib ay ugu kaxaynayaan dumar uu

la dhashay mar itoobiya iyo meelo kaleba.
qisooyinka noocan oo kale ah ee dhexmaray reer burco
ama habarjeclo iyo sixirroolaha  aad ayay u badan yihiin
waxan odhan karnaa xataa boqolaal maaha ee kumanaan
iyo kumanaan waa gaadhayaan marka loo eego mudada
dheer ee uu hawshan ku foognaa oo la caddaynayo inay
ka badan tahay 30 sannadood , waqtiyada iyo sannaduhu
haba  kala badnaadeene  .

 

dadka uu sixro calaamadaha lagu garto

Raga markiiba wuxuu usoo adeegsada jiman/shaydamo

waxaana ay degaan madaxa / nerfayaasha  halkaasoo

markiiba ay ku bilaabaan jidhdil ( torture) madax xanuun

qayralcaadi ah ,cadho saa,id ah oo si fudud lo cadhonayo

oo marmar gacan ka hadal wadata , dhafoorada oo

fakhdaa guraya  , calool xanuun daran , nerfayaasha

indhaha iyo mergiyada oo aad u xanuuna , ilowshiinyo

badan iyo xusuusta oo aad ugu yaraata qofkaa ama

dhallinyaro ha ahaado ama waayeel kuu doono e

dhabar xanuun , jeex dadka qaar xanuuna ama

faaligba ku noqda , cagaha calaacashooda oo gubta

wadna xanuun oo wadnaha la majiirayo marmar

dumarkuna waa kala mid arrimahan ragga  waxaase

iyaga usii dheer oo uu markiiba jinka/shayddaanka la

shaqeeyaa uu degaa riximka (ilmagaleenka) macdanta

halkaasoo ay ka ilaaliyaan inay qofka dumari uur qaaddo!

haddii ilaahay u qaddaro oo sabab uga dhigo weeye

waxkastaa waxay ku dhacaan qaddarta iyo iraadada

ilaahay wax aan illahay kuu qorin oo kugu dhicikaraa

ma jiraan , laakiin asbaab ayaa jirta arimuhu ku

dhacaan . wax yaabaha uu caanka ku yahay  waxa

ka mida hamadda oo uu rag iyo dumarba ka  qaso

amateed xumo , daal badan ,hamaansi badan

hindhiso badan , caajis badan iyo shaqo nacayb

feker badan iyo isla xanshashaq dadka qaar

madax xanuunka ayaa lambar 1 ah marka uu ilaa

heer qayral caadi ah gaadhona waa marka qofku

lagaba yaabo inuu waasho oo dagaalamo oo la

xidhxidho , waxa kaloo lagu gartaa baqdin badan

sas iyo riyo habeenkii marku hurdo , hurdo xumo

hurdada dhexdeeda oo uu ku riyoodo bahalo

eryanaya sida masas ama libaaxyo , iwm.

 

Qaybta  34aad.

waxa kale oo dadkuu sixraa ku riyoodaan siiba

ragga iyagoo gogol la wadaagaya cidkale laakiin

aan wax  raaxo ah kala kulmayn , dhibmooyaane ,

marmarka qaarkoodna waxay ku riyoodaan iyagoo

gogol la wadaagaya qof Maxramkooda ah , taasoo

argagax ku abuurta ,sababtana inay hurdadaba kaso

boodaan naxdin aawadeed , waxaasoo dhammi waa

waswaas uu shayddaanku ku dhibaataynayo qofkaa

dadka arrintaas la kulmaana waxay u badanyihiin

dadka ehluddiinka ah ee uu sixirkaba aad ugu kari

waayay , laakiin dadka aan ehluddiinka ahayn iyaga

arrimahaasoo dhaba ayuu ku fuliyaa hadh cad

tusaale wuxuu ku sixraa inay sinaystaan , wayna

sameeyaan , waxaase yaab ah in qaarkood uu ku

sixro inay ka sinaystaan dad ay Maxramyihiin

( dad aanay  u banaanayn inay isguursadaan )

waana  dhacay arrinkaasu , oo weliba dadkii uu

sidaa ku sameyay sixirroluhu ee arrinka ku dhacay

ayuu haddana ma aamusine ,dadkii ku dhex

fadeexeeyey oo uu sheegay inay waxaas xilka le

sameeyeen , laakiin ma fadeexad bay garanayaan

waa shaqsiyaad uu miyirkoodii ka qaaday markay

fawaaxishtaas samaynayeene , qisooyinkaas iyo

COMMENTS
Latest News