Hangoolnews.com
Sagaal Bilood Ka Hor Qodobo ay Ku Heshiiyeen Wasiirka Warfaafinta & Saxaafada Somaliland oo uu Buriyey Wasiir Caddaani Iyo Cidhib Xumida ay Keeni Karto
January 4, 2017 - Written by Hangool

Qodobo Wasiir Caddani Saxaafada Ku Amray Oo Isagu Fulin Waayay ,

Waxay ahayd 3 bishii March ee Sannadkii Tegay ee 2016 Markii uu Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacygelint Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani Kulan la qaatay Mulkiilayaasha Saxaafada Madaxa bannaan Isla Markaana ay Isla qaateen in Guud ahaanba La Joojiyo Baahinta Wararka Beelaha ee Kicinaya Bulshada Isla markaana wax u dhimaya Nabadgalyada dalka.

Hasa Yeeshee Wasiir Caddaani ayaa Go’aanadaasi dhankiisa ka Buriyey Kadib Markii uu Warbaahinta Dawlada ee uu Maamulo u adeegsaday hab dhaqan loo arko mid uu Xisbigiisa ku tusayo heerka Cadaawadeed ee ay Beeshiisa isla gaadheen. Madax dhaqameedka Aqoon-yahanka iyo Waxgaradka Deegaanka Cali Ciise ee Gobolka Togdheer oo Warbaahinta Dawlada la hadlay ayaa Sheegay inay Gef tahay in la Aflagaadeeyo loona hanjabo Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Warkan ayaa Laga Baahiyey Idaacada Radio Hargaysa Iyo Telefishanka Qaranka Kaas oo Laf Jab ku ah Milgaha Saxaafada Maadaama uu Kicinayo Dareenka Bulshada,Sidoo Kale Waxaa Muuqata in Wasiir Caddaani in Isagoo ka Faa’iidaysanaya Awoodiisa Maamul ee Warbaahinta Qaranka inuu Ku Tagri Falo Hantidii Ummadu wada lahayd Isla Markaana uu ka Baahiyo Warar Nusqaan ku ah Shakhsiyadiisa. Waxaa Kediso Ku Noqday Ummada Somaliland Kadib Markii laga sii Daayay War Dhiilo leh Kaas oo Lagu Bilaabay ‘’Warar Mudooyinkaba lagu baahinayay Mareegaha Bulshada ayaa Lagu Sheegay in Xisbiga Waddani uu Shirqool u Maleegay Wasiirka Warfaafinta,Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid ‘’Caddaani’’.

Warkan Masiibada wataa Waxa laga soo Xigtay Barkulan aan Si rasmi ah loo aqoonsan Karin Cida Leh Hasa Yeeshee Waxaa Lagu Kala Qoqobayay Beelaha Somaliland Waxaa la Magac Dhabayay Mid ka mid ah Beelaha Somaliland ee ay dhalasho ahaan ka soo wada Jeedaan Gudoomiye Cirro iyo Wasiir Caddaani.

Qof Hadlayay ayaa Sheegaya in Meel la saaray Wasiir Caddaani oo dhaqankiisa aanay Beeshiisu u Bogin,Isla markaana laga Takhalusayo lamase Garanayo Qofka uu Qofkani Yahay.

Hadalka Shakhsiyaadkan oo la sheegay in laga soo qaatay Group ay ku Midaysan Yihiin Taageerayaasha Xisbiga Waddani Gaar ahaana Beesha Gudoomiye Cirro isla markaana hadii dhinac kale laga eego aan loogu talo galin Qalabka Warbaahinta Khaasatan ka la wada leeyahay ee dawlada Sida Idaacada, Iyo Telefishanka Qaranka ayaa Baahiyey in Wasiir Caddaani Shirqool lagaga Takhalusayo ay Beesha Galbeedka Burco Diyaarisay.

Marka Gees Kale laga eego Waxay dad badani u fasirteen Mid uu Wasiir Caddaani Isku Iibgeynayo oo Xisbigiisa Kulmiye ugu Bandhigayo Heerka Cadaawadeed ee uu ku Kasbaday Taageerida Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye.

Hasa Yeeshee Damaca Wasiirka marka dhan la iska dhigo Wuxuu Warkani Fidno ku ahaa Shacabka Somaliland oo lagu Kala qoqobayo beelo beelo.

Sidoo Kale Baraha Bulshadu ku Kulanto ayaa Si Xun u dhaleeceeyay Warkaas Dhiilada leh ee Laga Baahiyey Idaacada Radio Hargaysa iyo Telefishanka Qaranka.

Bal ila eeg Qaabka ay Idaacada Radio Hargaysa Warkan u Baahisay

COMMENTS
Latest News