Hangoolnews.com
Wasaaradda Howlaha Guud Ee Somaliland Oo Indha Ka Qarsatay Dhaqaale Ay U Baahan Tahay Iyo Masuuliyiin Xukumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo………
January 3, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Gaadiid Fara Badan Oo Ay Leeyahiin Wasaaraddaha Somaliland Ayaa In Tooda Badan Aanay Ku Xidhnayn Astaantii Taarikadda Dalka Ama G.T.

Wasiiradda Xukumadda Somaliland Ayaa Intooda Badani Waxay Wataan Gaadiid Ay Siisteen Lacag Qaaliya Oo Aan Lahayn Astaanta G.T. Waxaana Jira Gaadiid Badan Oo Aan Calaamadaas Lahayn,

Wasaaradda Kasta Oo Xukumadda Somaliland Ka Tirsan Waxaa Lagu Wadaataa In Ka Badan Toboneeyo Gaadhi Kuwaas Oo Xitaa Ay Masuuliyiinta Xilalka Haya Ee Gawaadhidaas Wataa Ay Caruurtoodu Wataan Galinka Dambe Iyo Habeenkii Oo Aad Arkayso Iyagoo Isku Dhex Eryanaya Waddooyinka Magaaladda Dhexdeeda.

Wasaaradda U Xilsaaran Ilaalinta Gaadiidka Dowladda Ee Wasaaradda Howlaha Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka Ayaa Dayacday In Ay La Socoto Gaadiidka Xukumadda Ee Sidda Gaarka Ah Loo Wato.

Mana Jirto Wax Ay Ka Qabatay,

Geesta Kale Waxaa Suurto Gal Ah In Haddii Gaadiidkan Lagu Xidhi Waayo Astaantan G.T-Da In Masuuliyiin Badani Marka Xilka Laga Qaado In Ay Kaxaytaan Oo Aanu Wareejin.

Wasaaraddaha Somaliland Ayaa Marka Ay Gaadiidka Iibsadaan Waxa Ay Ka War-Wareegaan In Ay Bixiyaan 50 Doolar Oo Lagu Soo Qaato Taarikadan,

Wasaaradda Howlaha Guud Ayaa Dayacday Lacag Iyo Dhaqaale Ka Soo Gali Lahaa Gaadiidkan.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News