Hangoolnews.com
Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Somaliland Oo Ciidamo Dheeraad Ah La Geeyey Iyo Sababta.
January 3, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Qaar ka mid ah magaalooyinka kala duwan ee Somaliland ayaa waxa lagu daad gureynayaa ciidamo aad u badan oo suga amniga guud ahaan goobahaasi.

Sidaasi waxa warbaahinta u sheegay saraakiisha sar sare ee ciidanka Booliska Somaliland oo shalay la hadlay warbaahinta kala duwan ee dalka,

Goobaha haatan ugu badan ee ciidanka amaanka la geeyey ayaa waxa ugu badan Magaalooyinka Hargeysa Berbera iyo Burco goobahaasi oo sida ay saraakiisha ciidanku sheegeen in ay Hadalo xanafleh iyo kala qoqob ay kala dhex dhigayaan asxaabta siyaasada Somaliland oo ay bulshadu si cad ula kala safatay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa digniin adag u direy bulshada iyo sidoo kale siyaasiyiinta kala duwan oo inta badan hadalo kala fogaynaya dhex dhiga shacabka.

Geesta kale Sareeye Guuto Fadal waxa uu fariin u direy Warbaahinta kala duwan ee ka shaqaysa Somaliland isaga oo ugu baaqay in ay ilaaliyaan anshaxa isla markaana meesha ka saaraan wararka kala fogaynaya Bulshada Walaalaha ah.

Somaliland ayaa la filayaa in ay dhawaan ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimo oo haatan tartanka ugu adag ka dhaxeeyo xisbiyada Waddani iyo Kulmiye.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News